Xukuumadda Somaliland oo Ku Dhawaaqday Tirikoobka Hantidda Dawladda

0
450

Hargeysa (Dawan) Ololaha ayuu ku dhawaaqay wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi uu sheegay inay daba socdaan “boobka hantida dawladda ee ma guurtada ah ee 28kii sano ee u dambeeyey”.

Hantida ayuu u kala saaray dhismayaal sida iskuullo, isbitaallo IWM, iyo dhulal banaan oo ay dawladdu leedahay.

Cabdirashiid Qambi wuxuu intaa ku daray in wixii maamulladii hore ay bixiyeen laga saari doono hantida ay daba joogaan waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Wixii uu madaxweyne bixiyey ee sifo sharci ah ku baxay waan ka haraynaa”

Wuxuu kaloo ka hadlay xiriirka u dhaxeeya ayaga iyo dawladda hoose, wuxuuna qiray in uusan fiicnayn waxaanu yidhi “Wixii ku saabsan maamulka hantida ma guurtada ee shacabka dawladda hoose ayaa shaqo ku leh, wixii dan guud ahna annaga ayaa shaqo ku leh”

Leave a Reply