Boorama oo Laga Fuliyey Mid Ka Mida Ballan-Qaadyadii Madaxweynaha

0
254

Boorama (Dawan)- Xukumadda Somaliland ayaa shalay si rasmi ah u bilowday dhismaha biriij isku xidhaya suuqa magaalada Boorama iyo jaamacada Caammuud, kaas oo madaxweynaha Somaliland ballan qaaday in uu u dhisayo Boorame.

Mareeyaha wakaallada horumarinta waddooyinka, Cismaan Cabdi Sheekh Muxumed ayaa ka hadlay muhiimad ay leedahay dhismaha biriijkan, waxaanu yidhi “Maanta (shalay) waxaa noo sharaf ah in biriijkii uu madaxweynuhu dhagax dhigay ee uu bixiyey dhaqaalihiisa aannu bilownay wejigiisi kowaad oo shaqadu si fiican u bilaabmatay.”

Cismaan Cabdi Sheekh Muxumed ayaa sheegay in biriijku uu yahay hadyad uu madaxweynaha Somaliland ugu deeqay dadka magaalada Boorama oo baahi weyn u qabtay buundadan, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa baahi weyn oo ummadda gobolkan ku nool ay u gudbiyeen madaxweynaha Somaliland, waxa ay ahayd hadyad qaaliya oo markii madaxweynuhu soo booqday jaamacada uu inoogu deeqay. Illaahay waxa aan ka rajaynayaa in aanu ku guulaysano.”

Duqa magaalada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane oo madasha goob joog ka ahaa ayaa qiray in dawlad hoose ahaan ay awoodi waayey in ay buundadan oo uu ka kafaalo qaaday madaxweynuhu, isaga oo arrinta ka hadlayayna waxa uu yidhi “runtii hawshani waa hawl aad noogu taagnayd, wax ka qabashadeeduna ay naga miisan weynayd.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, waan uga mahad celinayaa hawshaa uu sida degdega ah uga soo jawaabay dalabkeeda iyo fulinteedaba ee ugu dhaqaaqay.”

Shantii bishii siddeed ee sannadkan ayey ahayd markii uu madaxweynaha Somaliland ka qayb-galay xafladdii qalin jebinta jaamacada Cammuud, taasi oo uu dadka deegaanka iyo maamulka jaamacadaba u ballan qaaday in uu bixinayo qarashka lagu dhisaayo biriij isku xidha suuqa magaalada iyo jaamacada Cammuud oo ahaa doox ay dadka iyo ardaydu dhibaato weyn kala kulmaan xilli roobaadka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply