Odayaasha Deegaanka Beer oo Raali Gelin Siiyey Wasiirka Beeraha

0
291

Beer (Dawan)-Odayaasha deegaanka Beer ayaa wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland , Axmed Muumin Seed ka raali geliyey hadalo ay hore warbaahinta ugu mariyeen , waxaanay soo dhaweeyeen mashruuca beer qodaalka ee dib looga bilaabay degaanka beer ka dib markii is fahan dhexmaray iyaga iyo Wasaaradda beeraha Somaliland .

Qaar ka mid ah odayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa u sacabada tumay mashuruuca beer qodaalka ee laga bilaabay deegaanka beer kaasi oo dhan todoba boqol oo higtar “Wixii aanu is nidhi waanu ka raali gelinayaa , wixii danbe ee wax qabad ahna gacmo furan ayaanu kusoo dhawaynayaa , dhulkii waanu bixinay waanan beeraynayaa , kaad beertaana waan dayactiranayaa mudane wasiir” ayey yidhaahdeen

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha, Axmed Muumin Seed, ayaa  sharaxaad ka bixiyey qodaalka todoba boqol ee higtar ah ee Wasaaraddu kasoo saarayso deegaanka Beer ee duleedka degmada Burco, kaasi oo laga beeraayo dalagyo kala duwan. Isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi  “Waxa aynu u soconaa sidii wax soo saarka dalku kor ugu kici lahaa ee aynu uga maarmi lahayn cuntada debadda inooga timaada, ee aynu cuntadeena u cuni lahayn, halkani waa todobo boqol oo higter waxaana kasoo go’ayaa haddii roob fiican la helo 28 kun oo kiish , hadhuudhka aanu beeraynayaaa waa kii saddex bilood laha ahaa , waxaanu doonaynaa in aynu ka dalkeena beerano , waxanan hakinay siidhkii debadda inooga imanaayey “

 

Mashruuca lagu beerayo deegaanka Beer oo qayb ka ah Saddex Mashruuc oo dalka wax lagaga soo saarayo, ayaa waxa fulinaysa isla-markaana qodaysa Shirkad ku guulaysatay qodaalkiisa, taasi oo ku guulaysatay Tartan Mashruucaa loo galay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply