Wasaaradda Maaliyadda oo Shaacisay Tacriifadda Cusub ee Lambarada Gaadiidka

0
287

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda horumarinta maaliyadda jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay tacriifadda lambarada cusub ee gaadiidka dhulka ee kala duwan.

Wareegto uu soo saaray wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland, Yuusuf Maxamed Cabdi, maalintii Khamiistii ee toddobaadkii hore, ayaa lagu sheegay qiimaha cusub ee uu noqon doono bilaydh lambarka gaadiidka kala duwan ee dhulka ee Somaliland.

Tacriifadda wasiirka maaliyaddu soo saaray ayaa isugu jirta gaadiidka bilaydhka laga bedelayo qiimihiisa iyo ka bilaydh cusub qaadanaya qiimihiisa. Iyada oo lagu sheegay wareegtada wasiirka noocyada bilaydh lambarka iyo qiimaha ay kala noqonayaan baabuurta yar yar iyo kuwa waawayn iyo mootooyinku.

Waxa kale oo lagu shaaciyay wareegtada gaadiidka la dhoofinayo qiimaha tacriifadda laga qaadayo, wareegtada wasiirka oo dhammaystiran, ayaa u dhignayd sidan:- “Ujeeddo: wax ka beddelka tacriifadda lambaradda cusub ee gaadiidka.

Sida aad la socotaan waxa aynu dhawaan casriyeyn iyo dib-u-habayn ku samaynay lambaraddii gaadiidka ee dalka, kaas oo aannu ku darnay xarfo, si loo kala garto gobolka laga leeyahay gaadhiga, isla markaana ay meesha uga baxdo lambarkan sii dheeraanaya.

Sidaas darteed, waxa laydin farayaa laga bilaabo taariikhda warqaddan inaad ku dhaqantaan tacriifaddaa cusub ee lambarada gaadiidka.”

Tacriifadda gaadiidka soo dega:

  1. Afar taayirle iyo wixii ka badan. Qiimihii hore .26500/Sl Shillin. Qiimaha dambe.1000.000.
  2. Saddex Taayirle/bajaaj. Qiimihii hore. 17500/ SL Shillin/Qiimaha dambe..614.000
  3. Laba taayirle/Mooto. Qiimihii hore.110.000/ SL Shillin/Qiimaha Dambe.386.000

Tacriifadda gaadiidka la dhoofinayo. Qiimihii hore.130.000/ SL Shillin/qiimaha Dambe.456.000.

Tacriifadda summadda la siinayo gaadiidkii hore, bedelka lambarkii hore. 600.000.

Lambarada gaadiidka ee luma. Qiimihii hore. 285.000./ SL Shillin/qiimaha Dambe.600.000.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply