Qaranka Somaliland oo Digniin u Diray Soomaaliya iyo Maamulka Garoowe

0
280

Hargeysa (Dawan)- Madaxda qaranka jamhuuriyadda Somaliland, ayaa digniin kama dambays ah u diray dawladda Muqdisho iyo maamulka Garoowe, taas oo lagaga jawaabay daan-daanisga gardarada ah ee dawladda Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland ay ku wax yeelaynayaan nabad gelyada iyo xasiloonida.

Xukuumadda iyo asxaabta qaranka Somaliland ayaa kulan deg deg ah oo ay ka yesheen socdaalka gardarada ah ee madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas uu ku yimi deegaano ka tirsan dhulka Somaliland, gaar ahaan magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan, ayaa caddeeyay in socdaalkaasi uu yahay duullaan lagu soo qaaday qarannimada Somaliland iyo safar gardaro oo Muqdisho iyo Garoowe ku wada socdaan oo ka dhan ah madax bannaanida dhuleed iyo dawladeed ee Somaliland.

Madaxda iyo masuuliyiinta qaranka Somaliland ee kulankaasi iugu yimi ayaa si cad u sheegay in qaranka jamhuuriyadda Somaliland uu diyaar u yahay in uu dalkiisa iyo dadkiisa ka difaaco.cid kasta oo cadaw ku ah qarannimada Somaliland, isla markaana ku soo xadgudubta xuduudaheeda.

Waxa kale oo ay xukuumadda iyo asxaabta qaranku caddeeyeen in difaaca qarannimada Somaliland loo midaysan yahay oo ay tahay waajib qaran oo la wada leeyahay.

Kulnaka xukuumadda iyo asxaabta qaranku ka wada yeesheen duulaanka Muqdisho iyo Garoowe ku soo qaadeen Somaliland ,ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta wada jir ula hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdiilaahi Saylici oo kulanka qaran ee laga yeeshay socdaalka iyo gardarada maamulka Garoowe ka hadlayay, ayaa yidhi. “Waxaanu halkan ka cambaaraynaynaa madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo ku soo xad-gudbay xuduudda Somaliland, gaar ahaan gobolka Badhan, waxannu arrintaa u aragnaa xad-gudub qaran, iyada oo caalamku la socdo dhibaatada maanta Tukeraq ka taagani in ay ka timi gardarradii hore ee dawladda Soomaaliya wasiirkeeda qorshayntu ku yimi Badhan, iyada oo taas hawsheedii lagu jiro oo aan waxba la isla meel dhigin in uu mar labaad dagaal meel kale ka furo.

Waxaannu leenahay ka xukuumad ahaan, waajibka nagaga beegan baannu ka qaadan doonnaa, waana arrin aannu u aragno in dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland ka midaysan yihiin, si ay u carqaladeeyaan degennaanshaha iyo nabadda ka jirta Somaliland.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaguna dhinaciisa sheegay in qaranka Somaliland ka siman yahay difaaca dalka, mucaarid iyo muxaafid bana loo midaysan yahay, waxaanu yidhi. “Imaatinka madaxweynaha Puntland ee Badhan waxa ay muujinaysaa daan-daansi, in iyada oo markii horeba laga wada-hadlayey in la nabadeeyo Tukerag in doc kale uu muran ka bilaabmaa waa daan-daansi, nabadduna cid walba waa u dan, cid kasta oo abuuraysa xaalad ammaan-darro waxaanu u sheegaynaa in qaranka waajibkiisu yahay in uu iska difaaco wixii gardarro ah.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo isna ka hadlay ka xisbi ahaan halka ay ka taagan yihiin socdaalka daan-daanisga ah ee Gaas ku yimi Badhan, ayaa yidhi.“Haddaannu Somaliland nahay far qudha ayaannu nahay, militeri ahaan iyo siyaasad ahaanna waannu difaaci karnaa dalkeenna.

Waxaan bulshada leeyahay, Badhini guuri mayso, dawladdana waannu ku garab taaganahay wixii dan guud ah iyo difaaca qarankaba oo waa loo siman yahay.”

 

Leave a Reply