Wasiirka Diinta oo Sheegay in Dib u Eegis lagu Samaynayo Xeerka Kufsiga

0
281

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa sheegay in xukuumadu ay isla qaadatay in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeerka jinsiga oo maalmihii u danbeeyey muran xoogani ka taagnaa.

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa ayaa bulshada u soo bandhigay marxaladihii uu xeerkani soo maray, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aad ka war heyseen in qadiyaddan kufsigu maalmahan danbe aad iyo aad u badatay, oo ay jireen kufsi wadareedyo xadgudub ku ah haweenkeena, iyadda oo uu taa goluhu ka duulayo waxaa horyaalay xeerkaasi uu isagu curiyay, xeerkaasi markii uu golaha guurtidda soo gaadhay waxaa sixitaan iyo dib u eegis ku sameeyay culimadda dalka iyo mudanayaasha golaha guurtidda oo is kaashanaya, xeerkii isaga oo aan wax badan laga badelin ayuu run ahaantii aqlabiyad ku soo gudbay.

Madaxweynaha qaranka Somaliland isaga oo ka cararaya kana fikiraya muran siyaasaddeed, isaga oo u soo bandhigi doona golaha wasiiradda xeerkii wuu saxeexay.”

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu ogolaaday in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeerka si meesha looga saaro qodobada ka hor imanaaya shareecada islaamka waxaanu yidhi “Markii bulshada loo soo gudbiyayna dareenkii ka soo noqday, waxaa uu noqday inaan sixitaan badan lagu sameynin, sidaasi darteed culimo aw diinka qaranka Somaliland, madaxda asxaabta, dawladuba iyo cid kasta oo aqoonyahan ahiba dareen ayay ka muujiyeen ah in la saxo, madaxweynuhuna wuu ballanqaaday in loo maro dariiq sharci oo wax ka bedal iyo kaabisba lagu sameeyo xukuumadd ahaan iyo asxaab ahaan.”

Wasiir Khaliil waxa uu sheegay in ay mamnuuc tahay wax kasta oo ka hor imanaya ama khilaafsan shareecada diinta islaamka iyo dhaqankeena suuban, isla markaana aanu xeer noqon Karin, waxaanu yidhi “Sharcigeena, qaanuunkeena iyo dastuurkeenaba waxa ku taala, wax allaale wixii khilaafsan shareecada diinta islaamka iyo dhaqankeena suuban in aan lagu shaqeyn Karin, xeerna aanu noqon Karin. Sidaasi darteed haddii xeerkaasi soo gudbay siduu doono ha ku soo gudbee waxaa maanta diyaar loo yahay in wixii shareecadda diinta islaamka ka hor imanaya laga badelayo.”

 

Leave a Reply