Hay’adda Shaqaalaha oo Diyaarisay Siyaasado lagu Kobcinayo Hawl-wadeenada Xukuumada

0
279

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa soo gabo-gabaysay hawsha samaynta siyaasadaha iyo hagayaasha muhiimka u ah kobcinta iyo maamulka cudduda shaqaalaha dawladda.

Siyaasadahan iyo hageyaashan oo ay muddo badan soo socotay samayntoodu ayaa waxaa madasha ka hadlay masuuliyiin iyo khubaradii gacanta ka gaystay diyaarinta siyaasadaha iyo hagayaasha lagu dhaqayo shaqaalaha dawladda jamhuuriyada Somaliland, halkaas oo ay ku bogaadiyey shaqaalaha kala duwan ee dawladda in rejo iyo iftiin u bilowday.

Cabdi Aadan Diiriye, Saleebaan Jirde, Iid Cali Salaan iyo agaasimaha machadka shaqaalaha dawladda Guuleed Hagoog oo madasha ka hadlay ayaa dhamaantood xusay muhiimada siyaasadahani u leeyahiin; kor u qaadida shaqada, kobcinta shaqaalaha iyo xakamaynta loo shaqeeyaha.

Ugu dambayn gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Sharmaarke Axmed Muxumed oo madasha soo xidhay ayaa hadalo hambalyo, guubaabo iyo mahad celin isugu jira madasha ka jeediyey isaga oo xusay in ay maanta guulaysteen shaqaalaha dawladdu maadama ay yeesheen siyaasado iyo hagayaal wax badan ka tari doona shaqada ay qaranka u hayaan.

Guddoomiye Sharmaake, waxa uu xusay in ay qaranka maanta kow u tahay helitaanka adeeg bixiyeyaal ku qalabaysan hab iyo hannaan wanaagsan, waxaana uu yidhi “1996 kii ayaa la bilaabay sharciga shaqaalaha qabyo qoraalkiisa iyo samayntiisa, ha’yadda shaqaalahana waxa la sameeyey 1993kii intii ka danbaysay maalin ismayn waydiin halka uu marayo sharciga iyo dhiqidda shaqaalaha dawladdu halka uu maraayo, muddo dheer waxa aynu ku soo wada shaqaynayn odayeyn iyo had ba xal sida ay noqoto ah. Xeer, xuquuq, hannaan, siyaasad iyo hagayaal midna ma jirin.”

Guddoomiye Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu inta ku daray “waxa aynu maanta qabanay wax weyn runtii, oo qaranka Somaliland ay wax weyn arki doonan oo shaqaalaha dawladda ka bedelan, dadka waxa dhaqa oo meel ay ka shaqeeyan jeclaysiiya waa horumarka u muuqda, siyaasadaha lagu dhaqayo dhaqan wanaag lagula dhaqmo iyo rajooyinka la tuso.”

Siyaasadaha iyo hagayaasha loo sameeyey shaqaalaha dawladda ayaa kala ahaa:

Siyaasadda shaqo qorista, xulashadda iyo magacaabida shaqaalaha dawladda, siyaasadda anshaxa iyo hab-dhaqan wanaaga shaqaalaha dawladda, siyaasadda iyo habka dalacaaddaaha, bedelista, eryiska iyo jiheynta shaqaalaha dawladda, siyaasadda unkida ilaalinta qaabdhismeedka hay’adaha dawladda ,siyaasadda, maamulka iyo anshaxmarinta shaqaalaha dawladda, siyaasadda fasaxyadda shaqaalaha dawladda, siyaasadda maareynta kaydka xogta shaqaalaha dawladda, siyaasadda maareynta cabashada iyo tabashooyinka shaqaalaha dawladda, siyaasadda hanashadda shaqaalaha dawladda, siyaasadda iyo habka aasaasida iyo baabinta xafiis-yada shaqo, hagaha qiimeynta hawl-qabadka iyo abaal-marinta shaqaalaha dawladda, hagaha kartida kaalin shaqo, hagaha tilmaanta iyo tusaaleynta shaqaalaha dawladda, hagaha tababarka iyo tayeynta shaqaalaha dawladda, hagaha hannaanka koboca iyo horumarinta shaqaalaha dawladda iyo hagaha qorshaha carbinta iyo laylinta shaqaalaha dawlada.

Isku soo wada duuboo siyaasadahan iyo hagayaashan ayaa noqon doona markii ugu horaysay ee tan iyo 1996-kii loo sameeyo shaqaalaha dawladda Somailand, meeshana ka saari doonto murano badan oo marmar soo kala dhex gela shaqaalaha dawladda iyo madaxda hay’addaha dawladda sida oo kalena shaqaalaha dawladda siin doonta xuquuq waxa ay leeyihiin halka ay farayaan waajibaadka shaqo iyo anshax ee looga baahan yahay shaqaalaha dawladda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply