Guddoomiyaha Togdheer oo ka Hadlay Dagaal ay Kula Jiraan Khamriga

0
271

Burco (Dawan):- Guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, ayaa ka hadlay dagaal ay kula jiraan maandooriyaha Khamriga oo xuduudaha gobolka Togdheer uu la wadaago dalka Itoobiya si kootarabaan ah looga soo geliyo.

Waxaanu intaa ku daray in ciidanka boolisku si wayn ula dagaalamaan maandooriyaha Khamriga iyada oo ay gacanta ku soo dhigeen Khamri badan oo gobolka la soo gelinayay.

Guddoomiye Xamse oo arrimahaasi ka hadlayay Waxa uu yidhi. “Khamrigu dhibaato ayuu ku hayaa gobolka Togdheer, waxaannu khamrigu gobolka ka soo galaa dhinaca xuduudka, waxaana la soo dhigaa oo laga soo gudbiyaa deegaanada ku teedsan xuduudka, ciidanka boolisku aad iyo aad ayay ula dagaalamaan khamriga.

Dadka xuduudka deggan ayaan uga mahad naqayaa sida ay noogala shaqeeyaan la dagaalanka Khamriga. ciidanka booliskuna habeen iyo maalinba waxay u taagan yihiin siday khamriga uga hor tegi lahaayeen in uu dalka soo galo gaar ahaan gobolka Togdheer.”

Guddoomiyaha gobolku waxa kale oo uu farriin u diray bulshada gobolkaTogdheer oo uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan la dagaalanka maandooriyaha Khamriga, waxaanu ka codsaday in cid kasta oo aragta meelo si tuugo ah lagu keenay in ay soo war geliso ciidanka booliska, waxaanu yidhi “waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo aragta meel si tuugo ah khamri loogu iibinayo in ay soo sheegaan oo ay ciidanka ammaanka ku soo war geliyaan.”

Waxaanu intaa ku daray guddoomiye Xamse sababta xilligan uu u batay maandooriyaha Khamriga ee xuduudda Itoobiya kaga soo tallaabaya sida tuugada ah. “ujeedada ka dambaysa khamriga waxa weeye in uu lambar laba u noqdo qaadka oo dhibaato badan ku haya bulshadeena, hadday dhaqaale tahay iyo hadday ay caafimaad tahayba, waxaana naloo sheegay in dadkan soo qaadaya khamriga in aan lacag laga qaadin wixii laga iibsado ayuun bay lacagtiisa celiyaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply