Siciid Indhool oo ka Hadlay Baahiyaha ku Gadaaman Dadka Araga Naafada ka ah

0
282

Hargeysa (Dawan) Siciid Maxamuud Xuseen oo ku magac dheer (Siciid Indhool), kana mid ah dadka aragfa naafada ka ah ee ku nool magaalada Hargeysa ee caasimadda jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku hawlan qorshe kor loogu qaadayo rajada dadka araga naafada ka ah, gaar ahaan haweenka.

Aragu waxaa uu ka mid yahay lixda laxaad ee Illaahey ina siiyay qofkuna inta uu nool yahay uu ku manaafacaadsado, taasi badalkeeda waxaa jira dad badan oo aanu Illaahey siinin aragtidda Indhaha xigmadiisa awgeed.

Dadka aan laheyn laxaadka araga amase araga naafadda ka ahi waxaa ay baahi ahaan kala siman yihiin bulshadda qaybaheeda kala duwan sida waxbarashada, caafimaadka helitaanka nolosha mustaqbalka iyo hiigsiga hamiga kala duwan.

Hase ahaate in badan oo ka mid ah bulshadu waxa ay aaminsan yihiin in aanay dadka araga naafada ka ahi la jaanqaadi karin bulshada, dhinacyada baahiyaha kala duwan sida shaqada iyo waxbarashada.

Siciid waxaa uu sheegay inay wadaan qorshe 11 gabdhood oo araga naafo ka ah loogu guurinayo islamarkaana xafladda daahfurka guurkoodu uu ka dhacayo xarunta aqalka madaxtooyadda Somaliland, islamarkana uu xadhiga ka jari doono madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Siciid Maxamuud Xuseen waxaa uu madaxweynaha Somaliland ka codsaday in bil walba jimcaha ugu danbeeya uu nolosha la qaybsado dadka naafadda ah.

Siciid Maxamuud Xuseen ( Siciid Indhool ) waxaa uu soo jeediyay in hal bil mushaharkooda loo gooyo golaha wasiiradda labada labada gole qaran ee guurtidda iyo wakiilada, ciidamada qaranka iyo bulshada inteeda kalena looga gooyo min saddex doolar si ay u helaan iskuul boodhina oo ay wax ka bartaan dadka araga naafada ka ahi.

Siciid Maxamuud Xuseen (Siciid Indhool) waxa uu si gaara isugu taxaluujiyay soo celinta rajada dadka araga naafadda ka waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Rabitaankayagu waxaa uu yahay in aanu helo iskuul boodhin ah oo ay wax ka bartaan wiilasha iyo hablaha araga naafadda ka ah, waxaanu dooneynaa inuu naga taageero madaxweynaha qaranka Somaliland iyo bulshadda qaybaheeda kala duwan hadii Illaahey yidhaaho, waxaanu codsaneynaa in hal bil mushaharkeeda, sida golaha wasiiradda, labada aqal ee baarlamaanka, wixii shaqaale hoosaada iyo ciidamada qarankana min 3-dollar na looga jaro intaasi ayaa hirgalinta dugsigani noogu filan anaga oo aan cid kale u gudbinin ba waana codsi aanu dooneyno warbaahintu inay faaleyso oo ay rog rogto”

Siciid Maxamuud Xuseen waxaa tilmaamay in dadka aan laheyn laxaadka araga amase araga naafadda ka ahi ay baahi ahaan kala siman yihiin bulshadda qaybaheeda kala duwan sida waxbarashada, caafimaadka helitaanka nolosha mustaqbalka iyo hiigsiga hamiga kala duwan waxaanu yidhi “Waxyaabaha aanu tabeyno waxaa ka mida helitaanka doorkii aanu xukuumadda ku laheyn, aqoontii waayo dadka dhagoolayaasha ee maqalka naafadda ka ahi iskuulo ayay leeyihiin. Anagu hal iskuul ayaanu laheyn oo wuu xidhmay, araga waa leysku khiyaameeyaa dadka wixii iqaabilay waan u mahad celinayaa wixii iga dhuuntayna dib ayaan u soo sheegayaa, aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay Illaaha aduunka naga indha tiray, in gudi loo saaro oo soo qiimeeyo dadka araga naafadda ka ah inta waxbarasho u baahan, inta caafimaad u baahan inta caawimo hoose u baahan, aad iyo aad ayaanu ugu farxi laheyn, baahida ugu weyn ee aanu qabnaana waxaa ay tahay sidii aanu u noolaan laheyn qofkii aragii ayuu naafo ka noqday meelba la fadhiisiyay sidii dhiil caano ah tababar lama siin, lama barin fartii indhoolaha, sidii uu u socon lahaa wax u baralaha wax u karsanlahaa lama barin”

Siciid waxaa uu sheegay inay wadaan qorshe 11 gabdhood oo araga naafo ka ah loogu guurinayo islamarkaana xafladda daahfurka guurkoodu uu ka dhacayo xarunta aqalka madaxtooyadda Somaliland, islamarkana uu xadhiga ka jari doono madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. “Haweenka oo kale guurku waa uu ku yar yahay, oo dadka indhaha qaba waxaa ay yidhaahaan waxaanu dooneynaa gabadh wax walba naga macneysa anaga oo hurudna, in wax walba la baro hadii la barana ma garanayaan, imika dhawaan waxaa aanu qorsheyneynay in 11 gabdhood madaxtooyadda xaflad loogu dhigo guurkooda, madaxweynuhuna daahfuro oo xadhiga ka jaro karaamo iyo ducana ku helo, nuxurkeeduna waxaa uu ku qotomaa in laga taageero kharashaadka arooska waxaa jira rag aniga oo kale ah oo aan heysan awoodii dhaqaale ee uu reer ku sameysan lahaa, ileyn gabadhan araga naafadda ka ahi johoradii wey leedahay nimaan adiga aheyna may arag waxaanu rabnaa qiimaha ay hablahaasi dhediga ahi leeyihiin in dibada la soo dhigo, inay dhalayaan oo ay reer dhaqanayaan oo baahidaa dadka kale qabaan ay qabaan, hablahaasi iyo inamadda qaybo anaga ayaa gacanta ku heyna inta kalena waxaanu ka soo xuleynaa bulshada waana hor dhac oo inta aanu sanadkani dhammaan ayaanu dooneynaa, dadka wax heysta ee soo xajiyayana waxaanu leenahay waar hoos noo eega baraarug ayaanu u dhaqdhaqaaqaynaa, in dhakhaatiirta caafimaadku ay bagteeriyadda indhaha ku jirta ay bilaash ku baadhaan in dadka araga nafadda ka ah naloo diwaangaliyo, in madaxweynahana waxaan ka codsanlahaa bil walba jimcaha ugu danbeeya inuu naafo iska dhigo oo la kulmo dadka naafadda ah aad iyo aad ayaanu u codsanlaheyn sababto ah eraygiisu meel walba waa uu gaadhayaa dhulgariir ayuu noo sameyn karaa, hay’addaha ayuu isugu kaayo yeedhi karaa, ganacstada ayuu odhankaraa hoos u eega kuwan anigu dal aan la aqoonsaneyn ayaan ciidankiisi mushahar u raadinayaaye”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply