Saddex Qof oo ku Dhintay Baabuur isku Jiidheen Galbeedka Magaalada Hargeysa

0
342

Hargeysa (Dawan)- Alle ha u naxariistee Saddex qof ayaa ku dhintay, kadib markii laba baabuur ay shalay isku jiidheen galbeedka Magaalada Hargeysa, siday caddeeyeen ciidanka Booliska Somaliland.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland ahna Taliyaha ciidanka Nabadgelyadda Waddooyinka Gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi oo galabta khadka Telefoonka ugu warramay Wakaalladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay in labadaas baabuur oo kala ahaa Iska Rogo iyo FITS ay isku jiidheen agagaarka Buurta Kala-jeexan, waxaanu xaqiijiyey in labadii dirawal la xidhay, isla markaana la baadhayo asbaabihii dhaliyey shilkaas.

Afhayeenka Boolisku isagoo ku hadlaya magaca Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, wuxuu tacsi u diray qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen saddexda qof ee shilkaas ku nafwaayey, waxaanu Ilaahay uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskii ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo.

Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi wuxuu digniin adag u diray dirawalada Gaadiidka, waxaanu ku booriyey inay ilaaliyaan nidaamka waddo marista oo aanay xawaare sare ku kaxaynin gaadiidka, waxaanu nidar ku maray in sharciga la horgeyn doono dirawal kasta oo aan masuuliyad iska saarin dadka uu sido.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply