Ugaas Cabdirisaaq oo Madaxweynaha ku Ammaanay Kulankii Xukuumadda iyo Axsaabta

0
272

Hargeysa (Dawan) Ugaas Cabdirisaaq Koosaar Cali oo ka mid ah madax dhaqamaeedka reer Somaliland ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku ammaanay Kulankii saddex geesood ahaa ee aqalka madaxtooyadda ku dhexmaray oo xukuumadda iyo madaxdiii ka kala socotay xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, kaasi oo lagaga wada hadlayay xaaladda guud ee dalka.

Ugaaska ayaa madaxweynaha ku bogaadiyay gogosha uu u fidiyay xisbiyadda mucaaridka ah, shirkaasi oo ahaa mid la xidhiidhay aayo ka tashiga qaranimadda jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu xusay in ay mihiim tahay in la wada hadlo wax walbana is fahan iyo is afgarad lagu dhammeeyo.

Ugaas Cabdirisaaq Koosaar Cali waxaa uu tilmaamay inay guul qarankan u soo hoyatay ay tahay wada hadalka xisbiyadda qaranka iyo xukuumadduba waxaanu yidhi “Waxaa maalmihii ugu danbeeyay socday kulmo u dhaxeeyay asxaabta qaranka jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxweynaha qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxda dhaqanka iyo bulshada inteeda kaleba, kulankaasi oo guul u ah qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankaasi oo gogoshiisa fidiyay madaxweynaha Somaliland, waxa uu ka nixiyay cadowga Somaliland, isla markaana uu ku farxayo nasteexa Somaliland. Markaasi aad iyo aad ayaan u soo dhaweynayaa una bogaadinayaa madaxweynaha iyo labada gudoomiye xisbiga mucaarid ee WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo madaxweynaha qaranka Somaliland oo fidiyay gogosha wada hadalka xisbiyadda iyo xukuumadda, waana mihiim in la wada hadlo, in leys fahmo in wixii danta qaranka uu ku jiro ee mihiima leysla meel dhigo, waana wax Illaahey loogu mahad naqo sidaasi iyo si ka sii wanaagsanba inayb hawshu inoogu socoto”

“Gacmo wada jir ayay wax ku gooyaan madaxweynaha waxaan leeyahay wada tasi iyo gacmaha oo leys qabsado ayay wax ku dhammaanayaan, ee dalka sicir barar ayaa naafeeyey” ayuu yidhi Ugaas Cabdirisaaq Koosaar Cali.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply