Wasiir Dr Sacad oo Shuruud Ku Xidhay Wada Hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya oo Hargeysa Lagu Qabto

0
428

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire,ayaa shuruud ku xidhay wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya u socday ee hakadka galay in lagu qabto caasimadda Somaliland ee Hargeysa ama caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

waxaa kale oo uu   tilmaan cad ka siiyay dawladda  Muqdisho iskaashi labada dal yeeshaan sida uu ku iman karo iyo in loo baahan yahay in dawladda Soomaaliay garawsato in Somaliland iyo Soomaaliya  ay laba dal oo kala madaxbannaan yihiin horena u ahaayeen ka hor midawgii lixdankii.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay  wadiir Dr Sacad in Somaliland ay diyaar u tahay in dib loo bilaabo wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in wada hadaladdii horeba aanay waxba soo kordhin kana dhammaystirmi waayeen dhanka Soomaaliya.

Waxaa kale oo u caddeeyay in wada hadalkii labada dal sababta joojisay ay tahay Soomaaliya oo lid ku noqotay horumarka Somaliland isla markaana waxyaabo badan oo Somaliland u soo kordhay oo faa’iido u ahna ay dacwado aan sharci ahayn ay ka gudbisay iyadoo dawladda Xamar sheeganaysa in Somaliland ay iyaga ka mid tahay.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr Sacad oo BBC- Somali ay wax ka waydiisay siduu u arko hadal uu isla idaacaddaas ka sheegay Raysal-wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo yidhi ““Waa la gaadhay wakhtigii uu madaxweyne Farmaajo Hargeysa ka degi lahaa isagoo sia Calanka Soomaaliya.” Hadalkaa Raysalwasaare ku xigeenka Soomaaliya ka soo yeedhay ayuu kaga jawaabay  “Si ay u suuro gasho in wada hadalkan la bilaabo ama Hargeysa ha lagu bilaabo ama Xamar halagu bilaabe marka hore in aanu is ictiraafno laba waddan oo jira oo kala madax bannaan, oo jaara sida Itoobiya iyo Eratariya aanu nahay markay ogolaadaan ayay taasi suuragalaysa  laakiin inta ka horreysa waxay noqoneysaa in aanu meel kale ku wada hadalo”

Wasiir Sacad waxaa kale oo wax laga weydiiyay muqadasnimadda Somaliland in ay ka tanaasulayaan iyo in kale waxaanu yidhi “Gooni isu taagnimadda Somaliland muqadas uun leyskama odhan dadka Somaliland 1991-kiina way shireen 2001-diina waxay qaadeen afti labadabana waxay go’aansadeen inay xornimadoodii la soo noqdaan Somalilandna waddan ka go’aya  Soomaaliya maaha , ee Somaliland iyo  Soomaaliya waxay ahaayeen laba dal  oo xor ah oo isku darsaday, imikana kala baxay waxaanu aaminsannahay in aanu Soomaaliya si  wanaagsan ula dhaqano”

Wasiirka  oo wax laga waydiiyay waxa hor taagan wada hadalkii  in dib loo furo,ayaa yidhi “Wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya oo bilaabmay sanadkii 2012-kii imika hakad ayay ku jiraan, hakadkaasina waxaa keenay kadib markii dawladda Soomaaliya ay cabasho ballaadhan ka sameysay horumarintii iyo heshiiskii dekadda Berbera, hase ahaate taa macnaheedu maaha in aanaan diyaar u aheyn in wada hadalkii dib loo furo.”

Waxaanu wasiirku intaa raaciyay.”waxaanu diyaar u nahay in Soomaaliya aanu iskaashi walaalnimo iyo derisnimo aanu yeelano oo ay ka gudbaan sheegashada dalkayaga iyo in ay ku dhiiradaan in ay Somaliland aqoonsadaan oo ay la jaan qaadaan is bedelka ka socda geeska afrika oo laba dal oo walaalo ah oo deris ah oo waxyaabo badan iska kaashan kara annagoo ah in aanu wax wada qabsano laakiin Soomaaliya wali xaqiiqada  horumarka caalamka iyo ka qaarada iyo ka geeska afrika midna in ay la jaan qaadaan ma ogola.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply