Wasiir Seed oo Waxqabadkiisa tusay Guddiga Joogtada Golaha Wakiilladda

0
410

Wajaale (Dawan) – Xildhibaannada guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa shalay Kormeer ku tagay mashruuca banka Wajaale ee ay wasaaradda horumarinta Beeruhu ka waddo abuurka iyo wax soo saarka dalagyada beeraha ee kala duwan.

Xildhibaannada guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland oo uu hoggaaminayey wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Axmed Muumin Seed oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Dr. Axmed Cali Maax, ayaa guddiga joogtada ah ee wakiillada dul geeyay mashruuca banka Wajaale

dalagyada kala duwan ee wasaaraddu ka qodday banka Wajaale, waxaanu xildhibaannada goob goob u dul-geeyay dalagyada kala duwan oo badankoodu sidii loogu talo-galay ay u baxeen.

Xildhibaannada Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada oo ay ka mid yihiin xildhibaan Siciid Cartan, Ibraahim Ruush, Obama, Cali Gabiley iyo Mudanayaal kale oo guddiga joogtada ah ka mid ah, ayaa intii ay halkaa ku sugnaayeen waxa Faahfaahin ka siiyey Mashruuca Wasaaraddu ka waddo banka Wajaale wasiir Axmed Muumin Seed, agaasimaha guud ee Wasaaradda Dr. Axmed Cali Maax iyo maareeyaha mashruucaasi u qaabilsan wasaaradda beeraha Mowliid Xasan Cabdi.

Wasiir Axmed Muumin Seed, Agaasime Maax iyo Maareeye Mowliid, ayaa Xildhibaannada u sheegay in wasaaradda beeraha oo fulinaysa Qorshaha Madaxweynaha ee ah ee dalku gaadho isku filaansho dhanka Cuntada ah ay banka wajaale ka qodeen Dalagyo kala duwan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Gallay, Qamadin, Hadhuudh iyo Dalagyo kale oo Muhiim ah, dhammaantoodna ay sidii loogu talo-galay u baxayaan.

Masuuliyiinta wasaaradda beeraha ayaa mudanayaasha golaha wakiillada u sheegay in mashruuca Wajaale ahaa mashruucii koowaad ee wasaaradda beeruhu fuliso, balse ay deegaannada Beer ee gobolka Togdheer iyo Xaaxi oo Oodweyne ka mid ah laga qoday dalagyo kala duwan, kuwaasina meel wanaagsan marayaan.

Dhinaca kale Xildhibaannada guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada ee kormeerka ku soo maray mashruuca banka Wajaale, ayaa Wasaaradda horumarinta beeraha ku bogaadiyey fulinta Mashaariicda ka Banka Wajaale ka mid yahay, iyagoo tilmaamay inay Mashruuca banka Wajaale sheeko ahaan uun u hayeen, balse aanay moodayn in Dalag intaa leeg la qoday.

Ugu dambayn, xildhibaannada guddiga joogtada ah waxa Wasaaradda beeruhu banka Wajaale ugu samaysay Qado-sharaf.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply