Madaxweynaha oo Dhaqan Geliyey Laba Xeer oo Muhiima

0
285

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-207/102018, ku dhaqan-geliyey laba xeer oo kala ah, Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 iyo Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018.

Waxaa sidaa lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay wargeyska Dawan , waxaanay u dhignayd Sidan:- “Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018 Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: go’aanka golaha wakiillada, go’aan Lr. GW/KF-37/808/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta xeerka qandaraasyada qaranka iyo go’aanka golaha wakiillada, go’aan Lr. GW/KF-37/809/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Kalluumaysiga;

Markaan Arkay: qodobada 75aad iyo 76aad, ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu baahinayo dhaqan-galka xeerka qandaraasyada qaranka jamhuuriyadda Somaliland, xeer Lr. 82/2018. iyo dhaqan-galka xeerka Kalluumaysiga jamhuuriyadda Somaliland, xeer Lr. 84/2018.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply