Shir Dhaqameed ka Furmay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer

0
377

Burco (Dawan): Shir dhaqameed ay beesha gaashaan buur Axmed Faarax qabsatay ayaa shalay ka furmay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kaas oo noqonaya kii todobaad ee beeshaasi yeelato.

Shirkaasi ayaa lagu tilmaamay in uu yahay mid dhaqameed, isla markaana ay beeshu aayaheedda kaga tashanayso. Kuna muujinayso siday xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ugu bar-bar taagan yihiin tallaabooyin wax qabadka horumarineed ee ay dalka ka fulinayso.

Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed, gudoomiyaha guddida Qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen, maareeye ku xigeenka hay’ada wadooyinka Somaliland Mustafe Faarax Qalab.

Suldaanka guud ee beelaha Gaashaanbuur suldaan Maxamuud Guuleed Mire, oo shirkaasi furay ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid dhaqan, isla markaana ay beeshu aayaheedda kaga tashanayso.

Waxaanu yidhi “Waxaynu isugu nimid shirkeenii aynu qabsan jirnay ee tolnimo ee dhaqanka ahaa, ee aynu kaga hadli jirnay Aayaheena. Waxaynu ILLAAHAY SWT waydiisanaynaa inuu shirkeena waafajiyo sida uu ka raaliyahay ee maslaxada dalku ku jirto, ee ragga talinaya ILLAAHAY taladda toosan ku duwo”.

Gudoomiyaha guud ee guddida beelaha shirka qabsaday Sheekh Aadan Cabdi Ismaaciil, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay ujeedada shirka iyo waxqabadkii ay deegaanada beeshu degto ka qabteen.

Isagoo na gudoomiyuhu si weyn ugu mahad naqay xukuumada Somaliland ee talladda haysa oo uu sheegay in horumar la taabankaro ka fulisay deegaanada gobolka Togdheer.

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco oo isna shirkan hadal ka jeediyay ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid dhaqan oo beeshu aayaheedda kaga tashanayso, isla markaana beesha gaashaan buur ay xukuumadda talladda haysa ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ku amaanayaan waxqabadka kala duwan ee ay ka fulisay gobolka Togdheer.

Badhasaabka gobolka Maroodi jeex Jaamac Xaaji Axmed, gudoomiyaha gudiga Qandaraasyada qaranka Nuux Maxamed Xuseen iyo maareeye ku xigeenka hay’ada wadooyinka Somaliland Mustafe Qalab, ayaa iyaguna soo dhaweeyay furitaanka shirka.

Waxaanay masuulyiintu xuseen inay dawladu dhiirigelinayso shirarka lagaga tashanayo horumarka deegaanka iyo midnimada Somaliland.

Sidoo kale xildhibaan Siciid Axmed Raage, Cuqaal, waxgarad, Siyaasiyiin iyo aqoonyahan iyag na halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood ba si weyn u soo dhaweeyay furitaanka shirkani dhaqan ee beelaha dega degmooyinka Qoryaale, Nasiye, Gebo-gebo iyo Burco ay ku qabsadeen magaalada Burco.

Shirkani oo socon doona muddo laba maalmood ahna mid horumarineed ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan bixi doonaan waxyaabo taageerro u ah xukuumadda, isla markaana ay beeshu xukuumadda ku garab taagan tahay barnaamijyadda waxqabad ee dalka ka waddo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply