Wasiirka Faratoon oo Farriin u Diray Ardayda Helay Deeqda Waxbarasho ee Itoobiya

0
339

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ,ayaa faray ardayda helay deeqda waxbarasho ee dalka Itoobiya in ay soo xereeyaan baasabooradooda maalmaha isniinta iyo khamiista ee todobaadkan oo kala ah isniinta maanta iyo khamiista soo socota.

Waxaa kale oo uu wasiirku ka hadlay sida ay ka wasaarad ahaan diyaarka ugu yihiin in ay ardayda deeqda waxbarasho ee Somaliland ka heshay dalka Itoobiya amba bixintooda xil iskaga saarayaan iyo in ay la soconayaan illaa maalinta u dambaysa ee ay tacliintooda soo dhammaysayaan isla markaana halkan ka sii siin doonaan talooyin la xidhiidha waddaniyadda iyo illaalinta sumcadda dalkooda iyo ta nafdoodaba.

Wasiirka oo shalay xafiiskiisa kula hadlayay warbaahinta,ayaa yidhi. “ardayda Master digrii-ga u baxaya waxaan u sheegaynaa in ay baasabooradii soo xareeyaan maalinta berri ah(maanta) oo isniin ah kuna soo xareeyaan xafiiska wasiir ku xigeenka ee wasaaradda,waxaana la idinku adkaynaa in aad maalinta isniinta ah(maanta) soo xeraysaan si loogu gudbiyo safaaradda dalka Itoobiya iyo wasaaraddeena arrimaha dibedda, si fiisayaashii iyo dal ku galkii iyo degennaanshihii la idiinku soo sameeyo. Berri(maanta) gelinka hore oo dhan waa idiin diyaar wasaaraddu waana la idinka sugayaa in aad keentaan oo aad soo xeraysaan.”

Waxaa kale oo uu wasiirku farriin taa la mid ah u diray ardayda u baxaysa. “ardayda kale ee halay deeqda waxbarasho ee heerka koobaad iyaguna waxay baasabooradooda soo xeraynayaan maalinta khamiista ee todobaadkan qof kastaana marka uu keeno labada kooxoodba waa loo hubinayaa waana la saxayaa in laga hayo baasaboorkii.”

Wasiir Faratoon waxaa kale oo uu farriin waano ah u diray guud ahaan ardayda u baxaysa deeqda waxbarasho ee Itoobiya oo uu ku waaniyay in ay noqdaan arday xambaarsan dal iyo dad jacayl oo isku duuban isla markaana shaqsiyadooda iyo karaamada qarankoodaba sumcad wanaagsan usoo hooya. “waxaan rejaynayaa in arrinta amba bixinta ardaydu deg deg innoogu dhammaato waxaanan ardayda halkan ku sii siin doonnaa talooyin iyo waanooyin waxaanan la soconaynaa halka ay degayaan iyo jaamacadaha ay gelayaan iyo noloshoodaba illaa ay soo dhammaysanayaan aqoonta ay u baxayaan,waxaanan ku waaninayaa in ay noqdaan ardaydu dad isku duuban oo hal qof isku ah oo sharaftooda shaqsiga ah ta waalidkood iyo ta qarankoodaba kuwo illaaliya oo safiirro u noqda Somaliland isla markaana ardayda ay waxbarashada ku kulmaan uga sheekayn kara taariikhda iyo dhaqanka Somaliland. Waxaanan ardayda ugu dambayn u sheegayaa in ay labadaa maalmood ee Isniinta iyo Khamiista in ay ku soo kala xereeyaan baasaboorada isla markaana hawshooda in lagu jiro ay ogaadaan.”ayuu yidhi wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon.

Dhinaca kale wasaaradda ayaa ogaysiis habeen hore u dirtay ardayda helay deeqaha waxbarasho lagu farayo in ay baasabooradooda ku soo xereeyaan isniinta maanta iyo khamiista todobaadkan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply