Madaxweyne Muuse oo Asteeyey Maalinta Geesiyaasha Somaliland

0
552

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalinta shuhaddada SNM ee 17 October u beddelay maalinta Geesiyaasha Qaranka Somaliland.

Sidaasna wuxuu madaxweynuhu ku sheegay wareegto uu soo saaray shalay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan waxaanay u qornayd:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne ku asteeyey In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tixgeliyey:Go’aanka Shirkii Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland, Shir Lr. 23aad ee 18/10/2018;

Markaan Dersay:Ahmiyadda ay Qaranka u Leedahay Xuska Maalinta Geesiyaashii naftooda u soo huray halgammadii kala duwanaa ee xornimada dalka, sida halgankii Daraawiishta, Kacdoonkii Culimada, Aqoonyahanka, Suugaan-yahanka iyo Halgankii Hubaysnaa ee SNM;

Waxaan go’aamiyey;

In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply