Xukuumadda oo Mamnuucday soo Dejinta Qalabka Baadhista Macdanta

0
427

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa mamnuucday in lala soo dego ama lagu adeegsado dalka gudihiisa qalabka macdanta lagu isticmaalo.

Wareegto uu soo saaray wasiirka Tamarta iyo Macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Dawan, ayaa lagu sheegay in wasaaradda Tamarta iyo macdanta oo gudanaysa waajibkeeda shaqo in dalka laga mamnuucay qalabka Macdanta.

War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska wasiirka waxa lagu bayaamiyey saddexdan qoddob ee hoos ku xusan:-

“1. Iyada oo laga hortageyo dhibaato ka iman karta soo galida waddanka qalab aan u diwaangashanayn hay’daha ku shaqada leh, wasaaradda tamartu waxay joojisay in waddanka la soo galiyo qalabka macdanta ku lug leh oo aan ogolaashiyo ka haysan wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

  1. In wixii qalab ah ee la xidhiidha Macdanta laguna haysto dalka gudihiisa laga diwaangaliyo wasaaradda Tamarta iyo Macdanta muddo 30 maalmood ah .
  2. Laga bilaabo dhammaadka 30ka maalmood oo ku beegan 21ka bisha 11-aad 2018ka qalabka aan diwaangashanayn wuxuu noqonayaa sharci daro,waxaana laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply