Gabiley oo laga Hirgeliyay Dugsi lagu Dhisay Iskaa Wax u Qabso

0
341

By. Khadar M. Xaashi

Gabiley (Dawan) Maamulaha dugsiga sare ee New Gabiley ayaa faahfaahin ka bixiyay dib u habeyn iyo dayactir ay ku sameeyeen dugsigooda.

Cabdiraxmaan Axmed Faahiye maamulaha dugsiga sare ee New Gabiley waxaa uu sheegay in kadib markii dhawaan dugsiga la dayactiray hada ay soo baxeen baahiyo kale oo dhanka dugsiga ahi.

Maamulaha dugsiga sare ee New Gabiley Cabdiraxmaan Axmed Faahiye ayaa faahfaahin ka bixiyay dib u habeyn ay ku sameeyeen dugsigooda waxaanu yidhi “Waxaanu haatan ku suganahay xarunta dugsiga sare ee New Gabiley, oo dhismihiisa iyo dib u habeyntiisa ay u guntadeen Illaahey caafimaad ha siiyee madaxda iyo shacabka, urruradda, shirkaddaha dhismaha, iyo bulshoweynta kala duwan ee reer Gabiley dhammaantood, oo aan ka maamule ahaan uga mahad celinayo gacantii ay ka geysteen dugsigani”

Sidoo kale maamule Cabdiraxmaan waxaa uu xusay in hada dugsiga sare ee New Gabiley intii hadhay dib u habeynteedii ay gacanta ku hayaan waxaanu yidhi “Imika waxaanu gacanta ku heynaa hawlo soo baxay kadib markii aanu dhisney dayrkii uu dugsigani lahaa, waxaanu imika wadnaa dib u habeynta fasaladii iyo barxadii uu dugsigani lahaa, markii hore toban fasal ayaanu soo rinjiyaynay imikana intii kale ayaanu wadnaa, dhaqaalaha ku baxayana waa mid anaga maamul ahaan, macalimiin ahaan, arday ahaan aanu iska ururinay”

 

Leave a Reply