Guddida Qandaraasyada Qaranka oo Shaaciyay Sagaal Mashruuc

0
408

Hargaysa (Dawan): Guddiga qandaraasyadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay shaaciyay tartan loo geli doonno sagaal mashruuc oo ay xukuumadu ka fulinayso meello ka mida goboladda dalka.

Agaasimaha guud ee guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland Maxamed Axmed Xasan (Jaberti), ayaa si rasmi ah u shaaciyahy sagaalkan mashruuc oo loo kala hirgelin doonaa wasaaradaha caafimaadka, maaliyadda, xanaanadda xoolaha iyo Kalluumaysiga, kuwaas oo laga fulin doono goboladda Togdheer iyo Gabiley.

Madashii lagu shaacinayay qandaraasyadani waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guddiga qandaraasyadda qaranka iyo sidoo kale xubno ka mida guddiga qandaraasyadda qaranka.

Maxamed Axmed Xasan (Jaberti), agaasimaha guud ee guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay mar walba ku dedaalayaan in si daah-furan oo cadaalad ah ay bulshadda ugu soo bandhigaan mashruuc kasta oo dawladeed oo la fulinayo.

Waxaanu yidhi “Maanta (shalay) waxaanu sheecinaynaa baahinta 9 mashruuc. Waxaanan bulshadda Somaliland guddo iyo dibad ba u sheegaynaa, in mashaariicda dawladda hay’ad kasta oo ay noqoto iyo gobol kasta oo ay noqota ba iyo sidoo kale degmo kasta oo ay noqoto. In si cadaalad ah loo baahiyo, oo loo soo bandhigo, oo la wargeliyo”.

Maxamed Diiriye Xayd, oo ka mida xubnaha guddiga qandaraasyadda qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay noocyadda mashaariicdan tartanka loo gelayo iyo meelaha laga kala fulin doono. “Dhismaha lagu kordhinayo cusbiltaalka guud ee Burco, dhismaha lagu kordhinayo kastamka Kalabaydh, dhismaha cashuuraha beriga ee gobolka Togdheer.

Dhismaha xarunta tijaabadda iyo wax-soo-saarka calafka xoolaha ee Wajaale, daawadda shaybaadhka xoolaha. Laba Doonyood oo kuwa Kalluumaysiga ah, laba Doonyood oo Folfe ah iyo hal mishiin oo Yanmar ah”.

Sidoo kale Maxamed Faarax, oo ka tirsan xubnaha guddiga qandaraasyadda qaranka ayaa isna ka warbixiyay siday uga go’an tahay in ay cadaalad ugu gar-naqaan shirkadaha ka qayb gelaya tartankaasi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply