“Somaliland Iyada oo la Go’doomiyay Ayay Buuxisay Dhammaan Shuruudihii Laga Doonahyay Dal Madax Bannaan” Zac Goldsmith

0
368

London (Dawan):- Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan baarlmaanka dawladda Ingiriiska, ayaa xaqiijiyay Somaliland in ay tahay dal madax-bannaan oo buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa dal xor ah oo la aqoonsan yahay, waxaanay intaa raaciyeen in ay dedaalkooda ka midho dhalinta ictiraafa raadinta Somaliland ay sii wadayaan oo aanay ka daalayn.

Kulan ballaadhan oo habeen hore ku qabsoomay xarunta baarlamaanka Ingiriiska oo lagu qaabilay xubno ka mid ah weftiga xukuumadda Somaliland ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Ingiriiska oo uu hoggaaminayo Wasiirka deegaanka iyo horumarinta Reer miyiga Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, kana mid ahaayeen wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ergayga Somaliland u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya Drs. Edna Aada Ismaaciil, Safiirka Somaliland u joogta Ingiriiska Ayaan Maxamuud Cashuur iyo xubno ka socday ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland.

Kulanka baarlamaanka Ingiriisku ku qaabilay weftiga, ayaa dhanka dawladda Ingiriiskana waxaa ka socday oo shirka ka qayb galay wasiirka Dekedaha iyo badaha Ingisriiska Mr Nus Ghani oo kana tirsan baarlamaanka dalkaas, Wasiirkii Hore Arimha Dibeda MB Boris Jonson iyo xildhibaanno ka tirsan labada gole baarlamaan ee dalka Ingiriisak.

Xildhibaan Zac Gold Smith oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa sheegay in Somaliland caalamku go’doomiyay oo uu duudsiyay xaqa ay u leedahay aqoonsi caalami ah isla markaana ka markhaati furay waxay Somaliland qabsatay iyo siday u buuxisay dhammaan shuruudihii looga ee dawlad lagu aqoonsan lahaa.

Waxaanu intaa raaciyay in ay taageersan yihiin in Somaliland caalamka ay ka hesho aqoonsi caalami ah oo ay xaq u leedahay, waxaanu caddeeyay in ay sii wadayaan dedaalka ay ugu jiraan in Somaliand ka midhi dhalinta aqoonsiga Somaliland isla markaana ay kala shaqaynayaan dawladda Somaliland sidii ictiraaf raadinta ay goleyaal kala duwan oo heer qaran ah ay ugu soo bandhigi lahayd loona dhegaysan lahaa,waxaanu dawladaha caalamka ugu baaqay inay dhegaystaan xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland oo ay aqoonsadaan.

Xildhibaan Zac Gold Smith,oo ka hadlayay Somaliland iyo siday u buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee dawlad lagu aqoonsan lahaa,ayaa yidhi. “Dalka Somaliland waa dal buuxiyay dhammaan shuruudihii dal looga baahnaa waxaanay ku guulaysteen, muddo soddon sano ah iyagoo ku jiray go’doon siyaasadeed in ay dhistaan dhammaan kaabayaasha dhaqaale iyo waxyaabihii looga baahnaa dal madaxbannaan,waxaanu aad ugu faraxsannahay in aanu si wayn ula shaqayno isla markaana ka dedaalno sidii loo horumarin lahaa qadiyadda madaxbannaanida Somaliland.”ayuu yidhi xildhibaan Zac oo ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska oo ka hadlayay kulanka weftiga xukuumadda Somaliland ay ku qaabileen baarlamaanka Ingiriisku.

Waxaa kale oo kulankaa ka hadlay mudaneyaal miisaan ku dhex leh baarlamaanka Ingiriiska oo sheegay dhammaantood sida ay u bar bar taagan yihiin qaddiyada aqoonsi raadinta Somaliland isla markaana ballan qaaday in ay kala shaqayn doonaan xukuumadda Somaliland iyoshicibkeeda ictiraaf raadinta qaranka Somaliland.

Dhinaca kale wasiirka deegaanka iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda iyo ergayga Somaliland u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Safiirka Somaliland u joogta dalka Ingiriiska oo kulankaa ka hadlay ayaa si qoto dheer uga warramay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay iyo halka ay maanta taagan tahay iyo higsiga yoolkeeda horumarinta qarankeeda ee u jeexan iyo in aanay ka daalayn in ka midho dhalinta ictiraafka Somaliland xaqa u leedahay in ay hesho.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply