“Midhihii Socdaalkii Nabad iyo Midnimo ee Madaxweyne Muuse” Cabdiraxmaan Tukale

0
394

Berbera: 18-bishii November Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Muse Biixi Cabdi iyo wefti uu horkacayo ayaa markii ugu horraysay socdaal shaqo ugu Ambo-baxay gobolada bariga Somaliland tan iyo markii talada dalka loo doortay.

Safarkan uu hogaaminayo Md Biixi ayaa waxa ku wehelinayay xubno ka mid ah golahiisa wasiirada, xildhibaano taliyeyaasha ciidamada qaranka, booliska iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye

Safarkan uu madaxwyene Bixii ku marayay Gobolada bariga Somaliland ayaa ujeedkiisu ahaa u kuur-galida xaaladaha dad iyo duunyo, kormeerida mashaariicda horumarineed ee ay xukuumadu ka wado gobolada bariga, xadhig ka jarida mashaariic hirgalay iyo sidoo kale dersida xaaladaha amni ee ay deeganadu qabaan.

Madaxwynaha ayaa lugtiisii u horaysay ku gaadhay Magaalo xeebeeda Berbera, halkaasi oo uu kala kulmay soo dhawayn Meeqam sare leh isla markaana ay shacab weynaha ku dhaqan magalada Berbera u muujiyeen weftiga uu madaxweynuhu horkacayo kal iyo laab inay u qabaan masuuliyiinta booqashada ugu yimi iyaga oo ka galbiyay duleedka magalada una galbiyay gudaha degmada.

Waftiga ayaa mahadnaq ka dib gudo galay hawl maalmeedkoodii shaqo iyaga oo gudaha u galay marsada Berbera halkaas oo uu soo dhawayn balaadhan kala kulmay shaqaale weynaha ka hawl gala gudaha dekeda isaga isla markiiba kormeer ku sameeyay bilawga dekada cusub ee cabirkeedu dhan yahay 400m ee ay dhisayso Shirkada Dubai port World DPW, madaxweynahu isaga oo kormeerkiisa sii wata waxa uu ku tegay Xarunta Kaydka Haamaha shidaalka isaga oo xog waran kooban ka dhegaystay Gudoomiyaha haamaha shidaalka sidoo kale Jaamacada Culuumta badda ayuu booqasho xog ogaal u noqosho ah ku maray isaga oo maamulka iyo ardayda wax ka barata ka tusaale dhegaystay dhankisana u iftiimiyay mihiimada cilmiga baduhu dunida u leeyihiin gaar ahaana ardayda wax kabarata jamacada culuumta badu ay yihiin barbaar mustaqbalkoodu Aayatiin iyo cilmi dhaxal gal ah leeyahay isaga oo kula dardaarmay dedaal iyo tacab wadajira inay aqoonta iyo cilmigaba ku korodhsadaan.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay Taag cusub oo ay dhawaan xukuumada somaliland soo iibsatay

Taaggan oo ilaalin iyo dhawrsoonan u noqon doona halista ah inuu dab ka kaco maraakiibta ku fool leh marsada.

Madaxweyne Biixi isaga oo safarkiisa shaqo sii wata waxa uu xadhiga ka jaray dhismeyaal cusub oo dhawaan loo bineeyay dekada Berbera,

Burco

20 November madaxweyne Biixi iyo socdaalkiisa ayaa u jihaystay xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

Burco waxa uu kala kulmay soo dhawayn ay ka muuqato dhiiranaan Hammuun shacab iyo Hogaan jacayl soo dhawayn ka dib waxa weftiga uu horkacayo madaxweyne Biixi loo galbiyay masraxa fagaare hadalka ee gudaha magaalada halkaas oo uu kala hadlay guud ahaan dadweynihii soo dhawaynta ku qaabiley isaga oo uga mahad naqay madaxda heer gobol heer degmo iyo sidoo kale shacab weynaha gobolka togdheer soo dhawaynta ay ku maamuseen madaxweynaha iyo weftiga u hor-kacayo

Intaasi ka dib waxa uu Madaxweyne Biixi gudo galay u kuurgelida hawlaha shaqo ee ay xukuumadu ka wado degmada Burco isaga oo xadhig ka jaris ku sameyay mashariic dhawr ah

Ugu horrayn waxa uu xadhiga ka jaray xabsiga dhexe Burco isaga oo tilmaamay “inuu xabsigu yahay jaamacadii dhaqan-celiska dadka dhibaatada bulshda ku hayana xabsigu yahay halka lagaga hayn doono ”

Sidoo kale waxa uu madaxweynhu xadhiga ka jaray Suuq baaxad weyn oo ay magaalada Burco nasiib u yeelatay isla markaana ay dhismihiisa hirgelisay xukuumada somaliland “Burco-Mall,

Halka uu madaxweyne Biixi Gacantiisa ku Baabaco-fidiyay Roogga macmalka ah ee Garoonka kubada cagta ee Alamzey Stadium horumarkan gobolka u soo kordhay ayay dhamaanba u riyaaqeen shacab weynaha gobolka togdheer madaxweynuhu xadhig ka jarid uun kuma hakan ee wuu sii baaxad yeelay Qorsheyaasha horumarineed ee lagu beegsanayo gobolka togdheer isaga oo ka duulaya qorshaha qarankan ee dhanka mashaariicda waxana uu dhagax dhig ku sameeyay laba Biriish oo ay xukuumadu ka hirgelinayso gudaha magalada Burco isla markaana ay baahi weyn ay u qabeen dadweynuhu sidoo kale Sidoo kale waxa uu dhagax dhigay 20 qol oo lagu kordhin doono cisbitaalka guud ee Burco.

Ugu danbayn madaxweyne Biixi ayaa gobolka togdheer kula dardaarmay inay midoobaan Qoloqolada ka tagaan qaranka u midoobaan wadajirka u midoobaan misana odhaahda ah anaga anaga ku bedelaan innaga taasina ay horumar u jihayn doonto shacabweynaha gobolka togdheer oo taariikh fac weyn ku leh somalida iyo Somalilandba

Burco waa hooyadii Somaliland

Cabdiraxmaan Tukale

Leave a Reply