Madaxweynaha oo Golaha Wasiirada Faray Fulinta Mashaariicdii uu Soo Dhagax Dhigay

0
535

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa faray golaha wasiiradda dalka in ay deg deg u fulinta dhammaan mashaariicdii uu ka soo dhagax dhigay gobolada dalka mudadii uu socdaalka shaqo ku soo maray 6 gobol oo ka mid ah gobolada dalka.

Waxaa kale oo madaxweynaha qaranku uu faray xubnaha golaha wasiirada dhammaystirka dhammaan mashaariicdii horumarineed ee goboladaa ka socday.

Waxaanu sidaa ka sheegay Madaxweyne Muuse Kal-fadhigii 25-aad Ee Golaha wasiirradda Somaliland ee maalintii Khamiistii.

Waxaa kale oo kalfadhiga 25 ee golaha xukuumadda lagaga dooday maal gashiga dalka iyo amniga qaranka,waxaana war bixinno lagaga dhegaystay wasiirada maalgashiga Maxamed Axmed Maxamuud(cawad) iyo arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo ka war bixyay ammaanka dalka iyo sida ay xukuumaddu uga hawl gasho dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka iyo maalgashiga oo ah arrin xukuumaddu muhiimad weyn siinayso islamarkaana ay diyaar u tahay in ay dalka u hor seeddo maagashiyo caalami ah oo dalka ku soo dhiirada waxaanu wasiir cawad golaha xukuumadda warbixin ka siiyay socdaallo dhawr ah oo uu dalal kala duwan oo caalamka ah uu ku soo maray iyo sida indhaha caalamku ugu soo jeedaan Somaliland ee ay u danaynayaan in ay maalgashadaan.

War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac,ayaa u dhiganaa sidan. “Somaliland Kal-fadhigii 25-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa lagaga hadlay isla markaana lagaga dooday Maalgashiga iyo horumarinta dalku la wadaagi karo adduunka intiisa kale, iyadoo goluhu ay warbiximo ka dhegeysteen, wasiirrada, arrimaha gudaha iyo horumarinta Maalgashiga.

Goluhu waxay warbixin amniga la xidhiidha ka dhegaysteen wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, waxaanu wasiirku ku dheeraday adkaynta nabadgelyada dalka iyo qorsheyaasha ka hortagga falalka dhalinyarada caadaystay dhibaataynta ay habeenkii ka geystaan magaalooyinka qaarkood.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, ayaa warbixin ka siiyey golaha wasiirrada safarro shaqo oo uu ku soo maray dalka dibeddiisa, kuwaas oo la xidhiidha mashaariicda maalgashi ee dalku ku talaabsanayey muddooyinkii u dambeeyey iyo sidii shacab iyo xukuumad ba loogu diyaar garoobi lahaa mashaariicda maalgashi ee dalka kusoo wajahan, iyada oo indhaha caalamku kusoo jeedaan waddanka, danaynayaanna khayraadka dihin ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn waxa uu madaxweynuhu golihiisa wasiirada ku adkeeyey in ay dardargeliyaan mashaariicdii horumarineed ee uu kasoo dhagax-dhigay gobolladii uu safarka ku soo maray, isla markaana ay dhammaystiraan dhammaanba mashaariicdii hore uga socday gobollada dalka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply