“Ruuxda Dawladnimadu Waa in Qof Waliba Caddaalad ku Dhex Dareemo Dalkiisa”

0
424

Burco (Dawan)- Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland, ayaa kulan hambalyo iyo Sagootin ah ugu qabtay magaaladda Buruco 50-kii qof ee ku guulaystay Imtixaankii loo galay shaqooyinka dawladda ka bannaan ee laga qaadanayo gobolkaas.

Kulan lagu qabtay Xarunta Jaamacadda ee magaaladda Burco, ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, Guddoomiyaha Jaamacadda Burco University Prof. Saleebaan Dirir Cabdi, ayaa kulan iskugu jiray Sagootin iyo Hambalyo halkaasi loogu qabtay 50-kii Aqoonyahan ee Gobolka Togdheer ku guulaystay Imtixaankii Shaqooyinka Dawladdu qaadatay, waxaana md Sharmarke Geelle sharraxay muhiimadda iyo jeedka dawladdu ka leedahay Imtixaanka lagu shaqaalaysiinayo muwaadiniinta ku kala dhaqan gobolada dalku, taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay si loo dareensiiyo shacabka inay ruuxda dawladnimadu tahay in muwaadin kasta deegaanka uu ku dhashay in uu Caddaalad ku helo.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo khudbad ka jeediyey kulankaasi ayaa erayo dhaxal gal ah oo isugu jiray dardaaran, dhiirigelin iyo hambalyo u diray 50-ka qof ee Imtixaanka shaqooyinka dawladda loo qaaday ku guulaystay waxaanu yidhi “Sida odayaashii madashan ka hadlay sheegeen maanta waa maalin wayn waa maalin guud ahaanba ku wayn Somaliland oo ugu wayn dhinaca caddaalada wax wada lahaanshaha iyo dardargelinta shaqada dawladda iyo helida shaqaalenimo ku salaysan xirfad xor iyo xalaal ah oo runtii ka madhan wax walba oo kale, waa maalin runtii qiimo wayn u leh ruuxdda dawladnimada, ruuxda dawladnimadu waxa weeye qofku in uu muwaadnimo dhaba dareemo oo uu qofku ku dareemo dalka dhexdiisa inta uu joogo, dhamaan tartamayaashii shaqo ee 328 ka ahaa , waxaana ugu hambalyeynayaa dedaalkii uu midba meel ka soo gaadhay idinkana waxa laydinka doonayaa in aad qalbi wanaagsan aad ku soo dhawaysaan walaalkaagii aad la tartantay ee wixii aad u wada beretenteen runtii guushii uu xalafku adiga ku siiyey”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply