Gudoomiyaha Gobolka Togdheer oo si Kulul Ugu Jawaabay Xisbiga Waddani

0
405

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Togdheer mudane Xamse Maxamed Cabdi ayaa si kulul ugu jawaabay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegay in isaga dibadda looga saaray shir uu madaxweynaha Somaliland la lahaa waxgaradka gobolka Togdheer.

Sidoo kale guddoomiye Xamse waxaa uu xisbiyadda mucaaridka ah kula dardaarmay in mucaaridnimadoodu ay noqoto mid runta ka dhab sheegeysa, isla markaana ay ka fogaadaan wararka  been abuurka ah ee ummadda kala fogaynaya.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer mudane Xamse Maxamed Cabdi isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waddanku waxa uu leeyahay xisbiyo mucaarid ah, waxaana wanaagsan in mucaaridadu ay ku saleysnaato run, waxaana loo baahan yahay in aanay barnaamijyadiisu noqonin been abuur, qofku marka uu xisbi yahan, ee uu waliba yahay masuul xisbi waxaa uu xukuumadda ku eedeynayaa ga noqoto wax run ah, waa inay yihiin wax macquula oo wax looga qaadan karo.”

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Togdheer mudane Xamse Maxamed Cabdi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegay in madaxweyne Biixi uu dibadda uga saaray shirar uu la lahaa waxgaradka gobolka Togdheer, waxaanu yidhi “Guddoomiyaha gobolku waa xubinta ugu sarreysa gobolka, madaxweynaha ayaa u soo igmaday oo madaxweynaha ayuu ka wakiil yahay, in illaa xadkaas madaxweynaha laga been abuura waa wax aanu aad iyo aad uga xunahay, meel ay arrintaasi ka dhacday ma jirto waana been.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply