Hay’adda Qoxoontiga oo soo Bandhigtay Qorshaheeda 3 Sanno ee soo Socda

0
424

Hargeysa (Dawan): Gudoomiyaha hay’adda qoxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax (Xinif) ayaa shaaca ka qaaday in gudaha Somaliland ay ku barakaceen dad gaadhaya 200,000 oo qof.

Dadkuwaasi oo uu sheegay in sababo kala duwan uu ka dhashay barakacadu, isla markaana waxa uu si weyn uga deyriyay xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dadkaasi.

Cabdikariin Xinif, waxa uu sidan ka sheegeen munaasibad lagu daahfurayay qorshaha hay’addaha qaxoontiga iyo barakacayaasha ee saddexda sano ee soo socda oo lagu qabtay gudaha magaalada Hargeysa.

Taasoo ay ka soo qayb galeen wasiirrada arrimaha gudaha, beeraha, wasiirka qorshaynta qaranka iyo masuuliyiin kaloo xukuumadda ka tirsan.

Gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha oo faahfaahinayay tiradda dadka ku barakacay gudaha dalka waxa uu yidhi “Bulshadda wadankeena ku barakacday aad iyo aad ayay u faro badan tahay, waxaanay ku dhaw dahay laba boqol oo kun oo qof oo Somali lander’s ah, oo gobolkasta degan, kuwaasi oo isugu jira kuwa Abaarraha ku barakacay iyo colaaduhu ay hore u barakiciyeen. Waxaanay ku jiraan nolol aan cid ku qanacsani jirin”.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa hay’addaha caalamiga ah ka codsaday inay xukuumadda kala shaqeeyaan sidii ay dadkaasi uga sabata bixin lahaayeen noloshaasi adag ee ay la dariska yihiin dadkaasi.

“Hay’addaha caalamiga ah waxaan ka codsanaynaa barnaamijka dadkaasi lagu caawinayo in aad naga gacan siisaan, inuu noqdo barnaamij bulshadayadda ka saaraya, kana sabato bixinaya xaaladda adag ee ay ku jiraan ee qoxoontinimadda ah.

Markaa hay’addaha waxaan jecelahay inay nagula shaqeeyaan barnaamijka hay’addaha dawladda ee ah in dadkaa noloshoodii dib loogu celiyo”ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Dhakiisa wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed, ayaa isna halkaas ka hadlay waxaanu yidhi “Waxaynu u baahanhay in aynu ka gudub no wakhtigii aynu cid kale wax waydiisan lahayn, maadaama aynu jirnay mudo dhan 27-sano.

Waxaynu u baahanahay in aynu inagu isku tashano, oo aynu gaadhno wakhtigii bulshadeena kuwa soo barakacay iyo kuwa dibad laga soo celiyay ba aynu isku filaanshiyo gaadhi lahayn, wakhtigeedi waynu gaadhnay”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply