Madaxweynaha oo Dhaqangeliyey Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka

0
659

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne ku dhaqan-geliyey shalay oo ay taariikhdu ahady 02.01.2019 Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka.

Wareegtada madaxweynaha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Dawan ayaa u dhignayd sidan:

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-38/826/2018, ee ku taariikheysan 30/12/2018, ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2019-ka;

Waxaan soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH/= 2,334,320,463,251 (Laba Tirilyan, Saddex Boqol Afar iyo Soddon Bilyan, Saddex Boqol Labaatan Milyan, Afar Boqol Saddex iyo Lixdan Kun, Laba Boqol Kow iyo Konton Shillin Somaliland ah).”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply