Somaliland oo Ka Soo Horjeedsatay Go’aanka Soomaaliya ku Caydhisay Ergaygii Qarammada Midoobay

0
651

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland ayaa caddaysay mawqifkeeda la xidhiidha go’aankii ay dorraad Soomaaliya ka qaadatay wakiilka Qaramada Midoobay ee Nicholas Jayson.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu ammaanay danjire Nicholas Haysom, waxaana lagu sheegay in wakiilku uu dedaal dheer u galay nabadaynta Soomaaliyo dhexdeeda iyo xal u helida khilaafka ka dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxa sidaasi lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland, kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay u cadaynaysaa xoghayaha guud ee qaramada Midoobay iyo beesha Caalamka in ay ka xun tahay go’aanka soomaaliya ka qaadatay Wakiillka xogahayaha guud ee qaramada midoobay Nicholas Jayson

Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo tixgelinaysa iskaashiga iyo taageerada dhanka horumarka iyo bini-adamnimada ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa , waxay ku wargelinaysaa xoghayaha guud ee qaramada midoobay in go’aankaasi aanu khusayn Somaliland islamarkaana ay dowladda Somaliland si buuxda ula shaqaynayso jimciyada quruumaha ka dhaxaysa iyo laamaheeda kala duwan .

Dowladda Somaliland waxay ku bogaadinaysaa wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay Nicholas Jayson in muddadii uu joogay xafiiska u dadaal dheer u galay nabadaynta Soomaaliya dhexdeeda iyo xal u raadinta khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya

Ugu danbayn dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay aminsan tahay in go’aankan ka dhanka ah wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobayn uu ka xeel dheer yahay waxa lagu sababeeyey islamarkaana uu ka dhalan karo cawaaqib xumo mustaqbal “ .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply