Guddoomiyaha Gobolka Saaxil oo Ka Hadlay Khilaaf ka Dhex Qarxay Ganacsatada iyo Wakiilada Maraakiibta

0
593

Berbera (Dawan):- Guddoomiyaha Gobalka Saaxil Axmed Cismaan Xasan ayaa ka hadlay khilaaf maalmihii ugu dambeeyay ka dhex jiray Ganacsatada badeecadaha ku keena Koontinarada dekeda Berbera iyo wakiilada Maraakiibta.

Axmed Cismaan Xasan oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la xidhay wakiilada maraakiibta koontiinarada keena dekeda magaalada Berbera ka dib markii ay ka dhego adaygeen qoraal ay u soo qortay wasaarada ganacisga Somaliland.

Isla markaana ay kordhiyeen lacago looga digay in ay ku kordhiyaan ganacsatada alaabooyinka ku keena koonteenarada.

Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Wakiilada Maraakiibtu waxay hal mar kordhiyeen lacagtii ay ka qaadi jireen Koontiinarada muddo hore ayay sheegeen in ay kordhindoonaan qiimaha ay ku soo qaadayaan koontiinarada, markii ay sheegeenna wasaarada Ganacsiga oo leh jaan gonyta iyo la socodka badeecadaha oo maamusha, ayuu qoraal wasiirka ganacsigu u soo qoray wakiilada maraakiibta oo uu leeyahay waxba lama kordhin karo. laakiin wixii aad cabasho ka qabtaan waxaad ula imanaysaan wasaarada Ganacsiga iyo wasaarada Maaliyadda.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay siday u baalmareen qoraalkii wasiirka Ganacsigu u soo qoray iyo sharci darada ay ku tallaabsadeen, ayaa yidhi. “Wakiillada Maraakiibtu waxay bilaabeen qiimo kordhin, ka dibna ganacsatadii dib ayay uga joogsatay oo way diideen in ay bixiyaan lacagtaas lagu kordhiyay, sidaa darteed ayay u xidhan yihiin, hay’adihii ku shaqada lahaa xadhiguna waxa uu ahaa mid lagu rabo in la wada hadlo sharcigii dawladda ayay ka dhego adaygeen, waxaanay yidhaahdeen lacagtii Berbera ay ku qaadi jireen Dubai ayaanu ku qaadaynaa, sharciga ayaana la hor gaynayaa.”

Leave a Reply