Dawlad Afrikan Ah Oo Soo Iibsatay Maraakiib Dagaal Oo Ay Saaran Yihiin Gantaalo Khatar Ahi.

0
1976

Warbixin lagu daabacay bogga wararka ee Janesnews ayaa lagu cadeeyey in ciidamada Badda ee dalka Aljeriya in ay soo iibsadeen qaar kamid ah maraakiibta dagaalka , gaar ahaana maraakiibta badda hoostooda marta ee Gujiska , kuwaas oo lagu sameeyey dalka Ruushka.

Warbixintan lagu daabacay warbaahinta Janesnews oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in markabkii ugu horeeyey ee Gujis ahi ayna soo iibsatay dawlada Aljeeriya uu soo gaadhey  dekeda  Marsa El Kabir  10 bishii January , waxaana markabkan lagu magacaabaa Varshvinka.

Maraakiibtan ay dawlada Aljeeriya kazoo iibsatay dawlada Ruushka ayaa ah laba markab, kuwaas oo hab hoose ay dawlada Aljeeriya usoo iibsatay , waxaana lagu xardhi doonaa magacyo cusub oo kala noqon doona Qouarsenis iyo Hoggar , iyada oo sidoo kalena la filaayo in  ay dawlada Aljeeriya ay dawlada Vitnam , waxaana Maraakiibtan la dhisay  sannadihii 2015-ka  iyo 2016-kii, kuwaas oo kazoo dhaqaaqay dalka Ruushka dhamaadkii sannadkii tegay.

Maraakiibtan ayaa qaadi kara culays dhan 3000 oo culays ah , isaga oo xawaarihiisuna ay tahay 20 knots , waxaanay badda hoosteeda geli karaan masaafo dhan 300 meters , iyada oo ay saaran yihiin hub badan oo kuwa difaaca badda ah , waxaana hubka saaran  kamid ah gantaalada lagu magacaabo Caliber oo NATO u taqaano Black Holes , sababta loogu bixiyeyna ay tahay cod la’aan.

Dawladda Aljeriya ayaa hore u lahayd laba Gujis oo lagu kala magacaabo Messali El Hadj iyo Akram Pacha , kuwaas oo ay iibsatay sannadihii 2009 iyo 2010 kii .

Leave a Reply