Tirada Dhimashada Oo Sii Kordhaysa Laba Markab Oo Isku Dhacay Dalka Ruushka.

0
652

Moscow (Dawan)tirada dhimashada ayaa kor  u kacday kadib markii ay laba markab isku dhaceen  meel u dhow gobolkaKerch  ee gobolka Crimea oo katirsan dalka Ruushka, waxaana dhimashadu maraysaa 14 qof , sida lagu baahiyey wakaaladda wararka Ruushka ee TASS oo uu wargeyska Dawan warkan kazoo xigtay.

Waxa sidoo kale saaka la helay 10 kamid ah bad maaxyadii markab kamid ah maraakiibtaasi saarnaa, waxaana mid kamid ah maraakiibtaasi saarnaa calanka dalka Tansaniya .

Labadan markab ee isku dhacay ayaan ilaa hadda sababta isku dhacooda la sheegin, iyada oo wararku sheegayaan in shaqaalaha saarnaa labada markab ay tiradoodu ahayd 31 qof.

Leave a Reply