“Somaliland Waa Astaanta Xasiloonida Qaaradda” Warbixin Wales Online

0
807

Cardiff (Dawan)- Shabakadda Wales Online ee dalka UK, ayaa daabacday qoraal uu kaga hadlay Qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, waxaanu ciwaan uga dhigay “Somaliland oo shan maalmood uun aheyd qaran madax-bannaan ayaa raadinaysa aqoonsi caalami ah.”

Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo soo xigatay warbixinta lagu daabacay Warsidaha Wales Online, ayaa u qornayd sidan:-

“Somaliland waxay ahayd dal madax-bannaan shan maalmood oo kaliya sannadkii 1960-kii, laakiin dadka reer Somaliland ayaa muddooyinkan dambe sameeyey taariikh hor leh, waxana u hirgashay nabadgelyo iyo dimuqraadiyad tan iyo sannadkii 1991kii.

Shabakadda Wales Online waxay sheegtay in Somaliland ahaan jirtay illaa 1960-kii maxmiyad Ingiriisku xukumi jiray, waxaana tirada dadkeedu la mid ahaa xilligaas mujtamaca reer Weles, waxaana labada dal ee Wales iyo Somaliland ka dhexeeyey cilaaqaad weyn.

Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay qoomamaynayso midowgii ay la gashay Soomaaliya, waxaanay mar kale noqotay dal madax-bannaan markii la afgambiyey kaligii Taliyihii Siyaad Barre ee Soomaaliya.

Wales Online waxa uu isbarbar-dhigay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ku sifeeyey Soomaaliya Qaran guul-daraystay oo ay ka jiraan kooxaha xagjirka ah iyo kuwa budhcad baddeedda, halka Somalilandna uu ku tilmaamay “astaanta xasiloonidda ee qaaradda ay ka jiraan dawlado kalitaliyeyaal ahi.” Waxaanu xusay inuu Somaliland ka taliyo madaxweynihii shanaad ee si dimuqraadiya loo doortay isla markaana xukunka la iskugu wareejiyey si nabdoon.

Shabakaddu waxay xustay in Soomaaliya ay haysato ictiraaf caalamiya, halka Somaliland na aan wali la aqoonsan.

Warsiduhu wuxuu tusaale u soo qaatay Iid Cali Axmed oo reer Somaliland ah, horena u ahaa aqoonyahan baanka ka shaqeyn jiray oo qaxoontinimo ku yimid magaalada Cardiff oo uu ka soo cararay xilligii kaligii taliyihii Siyaad Barre xukumayey Soomaaliya, waxaanu sheegay in dadka reer Somaliland ay yihiin qaar hal-abuur ah isla markaana ay haystaan dad badan oo aqoon sare leh.

Iid Cali Axmed wuxuu ku dooday booqashadii Xoghayaha Gaashaan-dhiga UK, Gavin Williamson ku tagey Somaliland ay muhiim aheyd, hase ahaatee ay xafiiska Arrimaha dibadda Ingiriiska ka doonayaan inay aqoonsadaan Somaliland oo ay ku abaal-mariyaan wixii ay qabsatay.

Afhayeenka Xafiiska Arrimaha Dibadda UK, ayaa Wales Online u sheegay in ay rumaysan yihiin in Somaliland iyo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay heshiis ka gaadhaan mustaqbalkooda, isla markaana aqoonsiga ay hormuud ka noqdaan dalalka ku yaalla gobolku.

Xafiiska Arrimaha Dibadda UK wuxuu intaas ku daray in Ingiriisku uu xidhiidh soo jireen ah la leeyahay Somaliland, isla markaana ay sii wadayaan inay dhiirigeliyaan wadahadalka u dhexeeya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply