Dawladda oo soo Bandhigtay Qorshe Shaqo loogu Abuurayo Dhalinyarada

0
531

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa sheegtay in wajigii labaad ee shaqo-abuurka dhalinyaradda ee sanadkani loo qoondeeyay 1,500 oo qof.

Wasiir Hinda waxa ay sidan ka sheegtay kadib markii ay ka soo laabatay safar ay todobaadyaddii ugu danbeeyay hawlo shaqo ugu maqneyd wadamada jaarka sida Itoobiya iyo Kenya.

Marwo Hinda Jaamac waxa ay xusatay in ujeeddada socdaalka ay ku tagtay dalalkaasi uu la xidhiidho dedaallo xukuumaddu kharashaad ugu raadinayso hirgelinta wejiga labaad ee mashruuca shaqo-abuurka dhalinyarada Somaliland, iyadda oo tilmaantay in ay kulamo la yeelatay madaxda hay’addaha mucaawimooyinka dibadda u qaabilsan dalalka Ingiriiska, Sweden, Japan, Talyaaniga, Canada, Jarmalka iyo sidoo kale baanka Horumarinta ee qaaradda Afrika.

Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi iyada oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlaysayna waxa ay tidhi “Wadamadii aanu la kulanay waxay kala ahaayeen hay’adda mucaawanooyinka dibadda u qaabilsan Ingiriiska, Sweden, Italy, Canada, Germany, Japan iyo Baanka horumarinta Afrika (African development Bank, waxaana iyaguna ku sugnaa qaar ka mid ah ha’yadihii qaramada Midoobay ee nagala shaqaynayey fulinta wejigii koowaad ee shaqo-abuurka dhalinyarada oo ay ka mid ahaayeen UNDP, UNHABITAT iyo UNIDO”

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo ka hadlaysay ujeedada socdaalkeeda shaqo waxa ay tidhi “Barmaamijka shaqo abuurka oo wejigii hore dhammaaday ayaan u doonay sidii aan wejiga labaad qaadhaan ugu heli lahaa.”

Wasiir Hinda iyada oo hadlakeeda sii wada waxaa ay intaas raacisay “Dhalinyaradaasi waxay isugu jiraan 925 wiil, 500 gabdhood 75 naafo ah oo shaqo abuur loo samaynayo, waxayna tani qayb ka tahay sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland ee madaxweynuhu aasaasay, kaas oo dowladdu ku shubtay $200,000″

Wasiir Hidana waxa kale oo ay faahfaahin ka bixisay kulan gaar ah oo magaalada Addis Ababa ku dhexmaray haweenay lagu magacaabo Kate Greany oo madax ka ah hay’adda DFID oo dowladda Ingiriska u qaabilsan mucaawimooyinka dibadda isla markaana ah guddomiyaha gudigga farsamo ee wadaagga ah ee qaadhaan-bixiyayaasha u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxa kale oo wasiirku sheegtay in waxyaabaha kulankaas ay kala hadashay sarkaaladda ka tirsan dowladda Ingiriiska ay ka mid yihiin siyaasadda xukuumadda ee dhiirri-gelinta sidii haweenku uga qayb-qaadan lahaayeen siyaasadda dalka, waxaanay hoosta ka xariiqday in haweenaydaasi ku bogaadisay wasiir ahaan dedaalka iyo ololaha ay ugu jirto xuquuqda haweenka.

Ugu dambayn, wasiirku waxa ay ugu bushaaraysay dhalinyarada in xukuumaddu diyaarisay wejiga labaad ee barnaamijka shaqo-abuurka dhalinyarada, kaas oo marka uu dhammaado sidoo kalena qorshuhu yahay u diyaar-garowga wejiga 3aad ee barnaamijka oo ay tilmaantay inuu noqon doono mid wax weyn ka tara baahida dhaqaale ee dalka iyo shaqo-abuurka dhalinyarada.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply