Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Gacantiisa Ku Qaybiyey In Ka Badan Hal Milyan Oo Buug +Sawiro.

0
684

Hargeysa(Dawan)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa gacantiisa ku qaybiyey Buugaagta manhajka waxbarashada Somaliland ee dugsiyada Hoose dhexe oo lacag la’aan ah, kuwaas oo uu maanta si rasmi ah ugu qaybiyey ardayda wax ka barata dugsiga Qudhac-dheer ee degmada Maxamuud Haybe ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan masuuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, ayaa saaka qaybinta Buugaagta daabacan ee Manhajka waxbarashada dugsiyada Hoose dhexe ee dalka oo tiradoodu dhan tahay 1,200,000 (Hal Milyan iyo Laba boqol oo kun), isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaan arday tiradoodu dhan tahay 153,077 (Boqol iyo Saddex iyo konton kun iyo Toddoba iyo Toddobaatan) Arday, waxa uu ka bilaabay dugsiga Hoose dhexe ee Qudhac-dheer ee Degmada Maxamuud Haybe.

Madaxda wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo dhammaantood ku sugnaa gudaha dugsiga Qudhac-dheer, ayaa ku dheeraaday faa’iidada ay buugaagtan lacag la’aanta ahi usoo kordhin doonto dhammaanba ardayda wax ka barata dugsiyada Hoose dhexe ee dalka, waxana ay madaxweynaha uga mahadnaqeen go’aanka geesinimada leh ee uu ugu dhiirraday in ay ardaydu hesho buugaag daabacan oo lacag la’aan ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal u jeediyey ardayda wax ka barata dugsiga Hoose dhexe ee Qudhac-dheer iyo macallimiintooda, ayaa ardayda ku bogaadiyey inay ku dedaalaan waxbarashadooda, isla markaana ay dhexda u xidhaan sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen hoggaaminta dalkooda.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay sida ay xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay uga go’an tahay inay daryeesho da’yarta wax baranaysa ee mustaqbalkooda la dhisayo, maadaama ay aayihii dambe ee dalka yihiin, “Mar haddii aad mustaqbalka leedihiin xaq waxad u leedihiin in la idin siiyo tacliin wanaagsan iyo nolol wanaagsan, waajib bayna ku tahay waalidka, dawladda iyo tujaartaba inay idinka idin daryeelaan, waayo mustaqbalka dalku waa dadka. Daar la dhiso, laamiyo iyo qurux la beero waxa ka weyn ee la maalgelinayaa waa mustaqbalka da’yarta iyo dadka, waxana aannu doonaynaa in da’diinani aad ka duwanaataan da’da maanta nool dhinac walba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Buugaagta daabacan ee maanta qaybintooda la ibo-furay, ayaa si lacag la’aan ah loogu qaybin doonaa dhammaanba ardayda wax ka barata dugsiyada Hoose Dhexe ee dalka, kuwaas oo uga faa’iidaysan doona waxbarashadooda, waxaanay ka mid tahay balan qaadyadii madaxweynaha ee wakhtigii ololaha.

Image may contain: 1 personImage may contain: one or more people, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 12 people, people standing and suitImage may contain: 9 people, people standing and suit

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Image may contain: 3 people, people standing, crowd and outdoor

Image may contain: 3 people, people standing, crowd and outdoor

Image may contain: 13 people, people standing and outdoor

Image may contain: 2 people

Image may contain: 16 people, people standing

Image may contain: 5 people, people standing and suit

Image may contain: one or more people, people standing, crowd and outdoor

Image may contain: 5 people, people smiling, suit

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 3 people, people smiling

Image may contain: 21 people, crowd

No photo description available.Image may contain: 7 people, people standing and suit

Image may contain: 5 people, people standing

Image may contain: 5 people, outdoor

Image may contain: 11 people, people smiling

Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 5 peopleImage may contain: 6 people, people smiling

Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting

Image may contain: 4 people, people smilingImage may contain: 2 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 4 people, people standing

Leave a Reply