Wasiirka Macdanta oo Caddeeyay In Aanay Jirin Laydh Cid Gaar ah Kooto Loogu Xidhay

0
604

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa caddeeyay in aanay jirin cid gaar ah oo kooto loogu xidhay laydhka caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in cid kasta uu ka wayn yahay sharcigu isla markaana loo baahan yahay in sharciga lagu dhaqmo, sharcigaas oo ah mid kala hagaya shirladaha laydhka oo lagaga badbaadayo ama ka hor tag u ah dhbaatooyinka laydhku sababo.

Waxaanu sidaa ku sheegay mar uu shalay warbaahinta la hadlayay ka dib markii uu kulan la yeeshay guddida joogtada ah ee golaha wakiilada.

Waxaanu xusay wasiirku in halista laydhku ay u baahan tahay in laga taxadero oo si dhaw loola socod halka shirkaduhu wax marinayaan.

Wasiir Jaamac oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “In badan ayaan ka hadlay arrintaa in lagu cel celiyana maaha,anigu haddaan beri ka tirsanaan jiray shirkad maanta kama tirsaniye Xukuumad ayaan ka tirsanahay qarankana waxbaan u qaabilsannahay una dhaartay waajibaadkayga qaran ee uu I farayo xilka aan hayaa ayaan ku shaqaynayaa ulana shaqaynayaa dhammaan shirkadaha iyo hay’addaha aanu wada shaqaynta leenahay.”

“laydhku waa dilaa waxaanu xil naga saaran yahay nabad gelyada nafeed iyo hantiyeed ee Somaliland,waxaanan u samaynay ,khatar badan ayuu leeyahay faa’iido bandanna wuu leeyahay laydhku,sida khatartiisa la iskaga illaalinayo faa’iidadiisana loo koobsanayo dariiq,ayaa loo marayaa, wadadaa baabuurtu marayso haddaan sharci la raacayn oo mid waliba dhankuu doono u soconayo saw masiibo dhici mayso,laydhkuna waa sidaas oo kale oo masiibo ayaa dhacaysa,laydh kooto aanu cid ugu xidhnayna ma jirto shirkaduhuna way noo wada siman yihiin cid gaar ah oo laydh loo xidhayna ma jirto laakiin wixii sharci ah ayuunbaa lagu wada shaqaynayaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply