“Dal iyo Dibed aynu u Midowno Dhismaha Hay’addo Dawladdeed oo Waara”

0
535

Hargeysa-(Dawan)- Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo weftigii uu hoggaaminayey oo socdaalkiisa Ingiriiska uu ku tegay ku wehelinaayey, ayaa kulan gaara la qaatay Jaaliyadda Somaliland ee Carriga Ingiriiska ku sugan kulankaasi oo ka dhacay magaaladda London.

Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle ayaa sharraxay kulanka weftiga uu hoggaaminayey ay Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska la qaateen waxaanu yidhi. “Kulankan oo muhiimadiisu ahayd soo dhawan iyo xog-waraysi ayaa u qabsoomay si heer sarraysa, halkaas oo waftiga ka socday Somaliland ay bulshada uga mahadceliyeen marti-soorka iyo hilowga wanaagsan ee ay u qabaan dalkooda iyo dadkooda, intii kulanku socday ayaa masuuliyiinta Xafiiska Siyaasada Somaliland ee dalka UK, axsaabta muxaafidka iyo mucaaradka iyo guud ahaan-ba qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dalka Ingriisku ku boorriyeen waftiga shaqada ay dalka u hayaan isla markaana duco iyo dardaaran u gudbiyeen”

Ugu dambayn, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md Sharmaake Geelle oo kulanka soo xidhay ayaa uga mahadceliyey jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingriiska sida karaamada badan ee ay u qabileen waftiga uu hoggaaminayo oo mudooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey dalka Ingriiska isaga oo uga waramay dedaalada kala duwan ee xukuumadu ugu jirto dib-u habaynta; Shaqaalaha, Qandaraasyada, Garsoorka iyo hab-maamulka Maaliyadda ee dalka isaga oo si gun dheer uga xaal waramay sida loogu baahan yahay in qaran ahaan loo midoobo jidka loogu jiro dhismaha Hay’addaha Dawladda si loo gaadho nidaam Dawladeed oo waara.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply