“Turkigu Wuxu Danaynayaa Jamhuuriyadda Somaliland” Wasiirka Beeraha

0
434

Hargeysa-(Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed oo Safar shaqo ugu maqnaa Dalka Turkiga, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiir Seed oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyay dalka, ayaa Saxaafadda u faahfaahiyey guulaha Somaliland uga soo hoyday Safarka uu ku tagay dalka Turkiga oo uu kaga qayb-galay bandhigga Carwo Sannad leh oo lagu soo bandhigo Agabka loo adeegsado Wax soo-saarka beeraha iyo Xoolaha.

Wasiir Seed oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shanti bisha ayaan u dhoofay dalka Turkiga oo aan kaga qayb galnay Carwada afraad ee ugu weyn Turkiga oo ka dhacday magaalada Ismer, waxa aanu ka soo baranay Saaxiibbo badan maadaama dalka Turkigu yahay waddamada ugu horreeya xagga wax soo saarka dunida oo 2012 ahaa waddanka todobaad, 2016 noqday waddanak labaad ee dhinaca wax soo saarka ugu horeeya dunida.”

Wasiir Seed ayaa sheegay in uu kulan la qaatay madaxda ugu sarraysa wasaaradda Beeraha ee dalka Turkiga, waxaanu xusay in Turkigu uu danaynayo Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu yidhi “Waxa aanu kulanay masuulka ugu sarreeya wasaaradda beeraha oo aanu si wanaagsan u wada hadalnay, waddanka Turkigu waa waddan danaynaayey jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeeda in ay xidhiidh badan yeeshan, waana waddan horumar badan xagga beeraha ka gaadhay oo ku dayasho mudan.”

Wasiirka Wasaaradda horumarinta beeraha Md, Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in dawladda Turkigu ay tababar siin doonta koox ka socota wasaaradda beeraha Somaliland waxaanu yidhi “Waxa dhawaan bixi doona koox ka socota wasaaradda beeraha Somaliland oo u kici doona dalka Turkiga, wixii ku baxaayana waxa naga damaanad qaaday dawladda Turkiga, iyada ayaan na soo tobabari doonta, waxaana lagu soo tababari doonaa nidaamka dunidu wax u beero.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply