Dekedda Berbera oo Qalab Casriya lagu Soo Kordhiyay

0
538

Berbera (Dawan):- Dekedda Berbera, ayaa qalab casri ah lagu soo kordhiyay oo wax wayn ka tari doona adeegyada rarista iyo rogista ah ee ay dekedda Berbera u qabato macaamiisheeda wax ka dhoofisa waxna kala soo degta.

Mareeye ku xigeenka dekadda Berbera Cabdi Cabdillaahi Xasan Mataan ayaa ka hadlay wiishash casriya oo ay dekeda Berbera ku soo kordhisay soona iibisay shirkadda D.P.World, kuwaasi oo uu sheegay in ay wax weyn ka tari doonaan hawl socodsiinta dekadda.

Maareeye ku xigeenka dekedda oo faahfaahin ka bixiyay wiishashkan dekedda lagu soo kordhiyay iyo ahmiyadda ay u leeyihiin,ayaa yidhi “Waxaan ku faraxsanahay maanta(shalay) inuu inoo yimi markabkii inoo siday wiishashka socda ee dekadda, waxaaney ka mid yihiin qalabeyntii ugu danbeysay ee dekadda u timi ee qaybtan aynu hadda joogno ee aynu isticmaalo, mudadii la qalabeeyay horumar balaadhan ayay dhab ahaantii ku talaabsatay, waxaynu fileyna in ay inoo fududaan doonto ka rogista alaabadu marka ay timaado amase raristeeduba, taas ayay wiishashkani inoo fududeyn doonaan, hadda markabka sida koontiinaradda saddex maalmood ayaa lagu rogaa waxaynu rajeynaynaa in maalin amase maalin iyo badh ay inagu qaadan doonto rogisteedu”

Cali Xasan Cawaale oo ka mida gudida agaasinka ee dekadda Berbera ayaa si toosa shaaca uga qaaday qadarka lacagta ku baxday wiishashkani waxaanu yidhi “Labada sano shaqo badan ayaa laga qabtay dekadda, kaasi oo ah tababaradii shaqaalaha, dhankii qalabka oo la galiyo 17-milyan oo dollar, iyo kuwan hada lagu soo biiriyay oo ah saddex wiish, kuwani waa qaar aynu inagu maamuleyno sida ay wax uga soo dejinayaan maraakiibta, waxaa kale oo ay inaga caawinayaan xiliyadda dabeyluhu xooga u socdaan ee xagaaga, waayo xilligaasi dekaddu waxay shaqeysa toban saacadood laakiin imika laba iyo labaatan saacadood ay shaqeysaa, markaa arrimuhu si wanaagsan ee ayay u socdaan.”

Cali oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay farriin uu u diray bulshada qaybo ka mid ah oouu sheegay in ay hadal wakhigoodii oo dhan ku lumiyeen,waxaanu yidhi. “dadka laamiyadda la taagan makarafoonadda hadalka heyska daayaan, qiimaha ay ku kaceen saddexdan wiish waa toban milyan iyo afar boqol oo kun oo dollar taasi oo ah waa kuwo cusub oo leyno dhisay”

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Injineer Axmed Cismaan Xasan. Oo isna ka hadlay muhiimadda sadexdaa wish ay u leeyihiin dekeda Berbera iyo baahida ay daboolayaan,ayaa yidhi “Waxaa inoo taagan hada saddex wiish, oo kii soconayay ah, oo qiimaha la soo siiyayna hada la inoo sheegayay, dhab ahaantii waa mid aanu aad iyo aad u soo dhaweynayno waxaaney ka mid tahay hantidda dekadda u soo kordheysa, waana addeegyadii loo baahna ee bulshada hawlaha u fulinayay, aad iyo aad ayaan u soo dhaweynaya mana noqon doono kuwii ugu dambeeyay ee dekadda ku soo kordha”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply