Wasiir Koore oo ka Hadlay Baahida Biyaha, Kasbashada Deegaanadda Bari iyo Xidhiidhka isaga Iyo Madaxweyne Muuse Biixi

0
690

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa ka hadlay baahida biyood ee ka jirta guud ahaan dalka iyo sida ay wax uga qabteen iyo qorsheyaasha dhaw ee ay ku tallaabsanayaan una qorshaysan.

Waxa kale oo uu ka hadlay biyo yaraanta caasimadda Hargeysa iyo goorta ay filayaan in ay caasimadda biyo ku filan u helaan iyo halka uu dedaalkaasi marayo.

Waxa kale oo uu faah faahin aad u dheer uu ka bixiyay sida ay u kala duwan yihiin culaysyada saaran siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada bari ee dalka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada dhexe iyo galbeed oo uu tilmaamay in aanay isku duruuf ahayn.

Waxaanu intaa raaciyay in Somaliland aanay mar walba awood ciidan oo keliya aanay doonayn in ay wax ku dhaqaajiso laakiin qorsheyaal cad cad oo siyaasadeed in ay ka leeyihiin deegaanda bari gaar ahaan gobolka Badhan oo uu tilmaamay in ay wax qabad muuqda iyo siyaasad cad la imanayaan oo dadka iyo deegaankaba wax tar u leh.

Waxaanu sidaa ku sheegay wasiirka wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland waraysi uu siiyay barnaamijka aragtida Siyaasiga ee Bulsho TV.

Ugu horrayn wasiir Saleebaan oo ka hadlayay biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa waxaa uu yidhi. “Hargeysi baahi wayn ayay u qabtaa in ay biyo hesho muddo bandanna way sugaysay walina way sugaysaa, laakiin imika hawshii biyo ballaadhinta biyaha caasimadda Hargeysa meel fiican ayay maraysaa boqolkiiba sagaashan way dhammaatay, hawshaasi muddo kooban oo yar ka dibna waxaan rejaynayaa in ay biyo la’aanta ka baxayso, markaa waxaan leeyahay in badan oo horeba waad sugayseen ee inta yar ee hadhaynayna suga oo u samra.”

Wasiirka oo iftiiminayay biyo yaraanta Hargeysa in aanay cid gaar ah saamayn ku lahayn laakiin madax iyo shicibba tahay mid wada saamaysay waxaa uu yidhi. “Aniguba booyad ayaan shubtaa waxaanan ka mid ahay dadka boqolkiiba lixdan iyo dheeraadka ah ee aan biyaha helin, imika oo aan wasiirkii biyaha ahay iyo markaan xildhibaanka ahaaba biyo maan heli jirin, dadka ayaanan kala simanahay. laakiin dhawaan waxaan ku rejo waynahay in aanu ka baxayno.

Muddo badan ayay biyo ballaadhinta Hargeysa soo socotay, xukuumad kasta iyo madax kasta oo soo martay qarankuna wax bay ka soo qabatay, meelna way soo gaadhsiinayeen, waanan u mahad naqayaa hadday madaxweyneyaal tahay, hadday wasiirro tahay iyo hadday maareyaashii wakaaladda soo maray ay tahayba, hawlaha ay ka soo qabteen halkii ugu dambaysayna maanta way maraysaa oo sahankii biyo balaadhinta xataa diyaarad ayaa lagu qaaday meel wanaagsanna way maraysaa, imika in ALLE nagu guuleeyo ayaanan rejaynayaa reer Hargeysana in ay deg deg biyo u helayaan ayaan ugu bushaaraynayaa.”

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay deegaanada bari iyo siyaasadda ay ku wajahayaan, ayaa yidhi. “Horta deegaanada bari waa dal iyo dad Somaliland ah, cidda keliya ee wax u qabatayna waa Somaliland. Haddii aan tusaale u soo qaato Tukeraq, Puntland waxay fadhiday oo ay maamulaysay muddo ka badan 22 sanno hal qol oo ay umaddaa u dhistay oo ay ka dhaxleen ma jirto, qol aad xero dhiig moodo oo urtiisa lagu bukoonayo oo ay lacagta giimbaarta ah ku urursan jireen oo keliya ayay ka tageen, maanta waxay leedhaay cisbitaalkii iyo xannaanadii oo shaqaynaya dhammaan guryihii oo aanu biyo wada galinay saldhiggii booliska oo shaqaynaya, taasina waxay sababtay in deegaankii uu dhismo oo dadkiisu ay durba u soo jeestaan oo magaalo dhan oo cammiran ay noqoto.

Dhanka gobolka Badhan waxaanu ka leenahay siyaasad cad oo qaran oo ah in aan ciidan uun wax lagu xallin laakiin lala yimaaddo qorshe siyaasadeed oo qaran oo u cuntama qaranka oo dhan oo deegaankaa wax lagaga qabanayo, iyadoo aan ognahay in ciidanka Somaliland maanta awood is hortaagi kartaa in aanay jirin, hadana mar walba xalku in uu ciidan noqdo maaha.”

Wasiirka oo ka hadlayay hannaanka biyaha magaalooyinka waawayn ayaa sheegay in dalka magaalada ugu biyaha badan, isla markaana uu is leeyahay biyo ku filan way haysataa ay tahay magaalada Burco.

Waxa kale oo uu sheegay in magaalada Laascaanood ay markii ugu horraysay biyo macaan u soo saarayaan oo si deg deg ah ay hawshaa u gelayaan. Waxaanu yidhi “Magaalooyinka dalka ee waawayn waxaa ugu biyo wanaagsan oo aan is leeyahay biyaheedu way ku filan yihiin waa magaalada Burco, wakaaladeeda biyuhuna si fiican ayay u shaqaysaa, waanan ku ammaanayaa hawsha ay qabteen madaxda iyo shaqaalaha wakaaladda Biyaha Burco.

Laascaanood waa magaalada keliya ee aan wali helin biyo gelin intii ay jirtay oo dhan. Duruurfa biyo la’aantuna waxay bartay in ay biyaha cirka ee Roobka ay kaydsadaan, laakiin imika ayaa Laascaanood loo samaynaa biyo gelin, loona soo saarayaa taariikhda markii ugu horraysay biyo macaan.

Ceerigaabi imika ayaan ka soo saarnay ceelka ugu biyaha badan Somaliland oo dhan oo waliba biyo macaan, kaas oo keliya ayaa ah ceelka ugu biyaha badan Somaliland oo dhan ee macaan waanu ku filan yahay baahida biyaha magaalada.

Boorama shirkad ayaa gacanta ku haysa waxaanu qorshuhu ahaa in ay is wadi karto oo isku filnaan karto, markii laga dhigay mid gaar ah oo shuraako lagu yahay, tijaabadii sidaa loo yeelayna wali may gaadhin oo kama gacan la’a dawladda, sanadkastana way ku jirtaa qarashka dawladda, biyaha Booramana way wacan yihiin.

Gabilay biyo yaraan ayaa laga cabanayay muddo, laakiin imika in ay ka baxdo ayuu qorshuhu yahay oo mishiinno waawayn oo baahidaa daboolana waanu geyanay oo dhawaan ayaan ku wareejinay, ceel biyood cusub oo aanu hawshiisa bilaabaynana waan soo dhagax dhignay, markaa nolosha nooluhu waa biyo xukuumadda madaxweyne Muusena waxay culayska saaraysaa in dadku biyo helo waana qorshahayaga ugu weyn in biyo la helo.”

Wasiirka oo ka hadlayay heshiisyadii Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo la gashay siyaasiyiintii Khaatumo iyo heshiisyo kale oo bulshada deegaanada bari ay la gashay, ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo wixii umadda wax u taraya ee lagu heshiiyay, waxaanu intaa raaciyay in uu ka soo hor jeedo in laga dhigo in heshiisyadaa wax ka horreeyayba aanay jirin, waxaanu yidhi. “Waan soo dhawaynayaa heshiisyadaas laakiin sida dadka qaar u dhigayaan ee ah in aan waxba ka horryan anigu ma qabo, waxaa jiray dal iyo dad dhan oo reer Somaliland ah oo qarankan illaa markii dib loo dhisay ku soo tabcayay oo marba heerkuu marayo dhismihiisa wax ku lahaa, markaa fikirka ah imika ayay wax bilaabmeen waa mid qaldan waxaa kale oo aan ka soo hor jeedaa dastuurka haloo furo Khaatumo ama deegaano gaar ah, Dastuurka Somaliland, ayaa leh oo waa dastuurkii qaranka waxa furitaankiisu uu Laascaanood u tarayo ee aanu Hargeysa u tarayn anigu garan mayo, waa arrin qaran furitaanka dastuurku wax gobol u gaar ahna maaha.”

Wasiirka ayaa ka hadlay culays ay qabaan oo ay siyaasiyiinta kale dheer yihiin siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada bari, waxaanu yidhi. “Culays aanay dad badani dareemayn oo aad iyo aad u wayn ayaanu qabnaa kaas oo ah Somaliland waxaa la odhanayaa oo muxuu deegaankiisii u keeni waayay ee uu ugu soo dari waayay qaranka, dhanka kalena waxaa kaaga socda dagaalkii ay Somaliland diidku doonayeen in ay dadka kaaga jiitaan markaa labadaa dab ayaan u dhaxaynaa oo ah mid aanay nala qabin siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada dhexe ama galbeed oo ah mid aad iyo aad u culus, mar waxa lagu waydiinayaa maxaad dawladdii nooga sidaa eed noo haysaa, marka waa lagaaga yeedhanayaa, laakiin adkaysigeeda iyo ka midho dhalinteediiba waanu leenahay waanan ku guulaysanay boqolkiiba siddeetan iyo shan in qaranka Somaliland aanu sugno inta dhimanna kama fadhiisanayno.”

Ugu dambayn waxaa uu ka hadlay xidhiidhka isaga iyo Madaxweynaha qaranka Muuse Biixi sida uu yahay, waxaanu yidhi. “Horta madaxweynaha Somaliland waxaan ahay qofka keliya ee uu ka doortay 82-ka mudane ee golaha wakiilada in uu kala shaqeeyo oo uu wasiir ka dhigo, waanan ugu mahad naqayaa, xidhiidhkayaguna aad ayuu u wanaagsan yahay, walibana labadayaduba ciidan ayaan soo ahayn oo dadka kale waanu iskaga dhaw nayay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply