Hooyo Xukuumadda Somaliland ku Amaantay Barnaamijka Shaqo Qaran

0
573

Hargeysa (Dawan) Hooyo Caasha Jaamac Ismaaciil oo ah haweenay ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland ee ubadkoodu nasiibka u heleen inay ka qayb qaataan barnaamijka Shaqo-qaran, ayaa ammaan u soo jeedisay xukuumadda Somaliland.

Hooyadani ayaa si wayn u soo dhawaysay barnaamijkan shaqo qaran, waxaanay sheegtay in ay rumowday rajo ay in badan sugeysay, islamarkaana ubadkeeda intii tahriibtay maahee intii kale ay la qaybsaneyso farxadda iyo rajada wanaagsan ee ay xukuumaddoodu u hirgalisay.

Hooyo Caasha waxaa ay madaxweynaha qaranka Somaliland ku ammaantay hirgalinta barnaamijka shaqo qaran, kaasi oo rajo iyo ididiilo badan galiyay dhalinyarada iyo walidiinta reer Somaliland.

Hooyo Caasha Jaamac iyada oo arrimhaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Ubadka degmadda Dararweyne loo qaaday mid ka mida ayaan dhalay, waxaanan hambalyaynayaa dawladda Somaliland, iyo xisbiga taladda dalka haya, sababta oo ah ubadkii aanu guryaha ku heysaney, ee laba labada sanno iyo sannad iyo badhka bilaa camalka ahaa ee Hooyo kheyrkii ayaa soo socda aanu laheyn, ayaanu u aragnaa in waa u baryay oo xukuumadii xil iska saartay, oo waajibaadkii aanu sugeyney saaka aanu midhihiisi guraneyno”

Hooyo Caasha waxaa ay xustay in ballanqaadkii ay madaxweynaha ka sugayeen mudada badan uu yahay mid ay maanta midhihiisi guranayaan waxaney tidhi “Madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ballanqaadyadii uu noo sameeyay ee uu lahaa waan idiin sameynayaa, oo waad gaadheysaan, in aanu saakaba gaadhnay ayaan u arkaa, rajo ayaanu dareensanahay, qalbiga ayaa na faraxsan, ubadkayagii ayaanu soo raacney oo aanu garab taaganahay, waxaanu leenahay hambalyo, waxaanu Illaahay ka baryaynaa in ubadkaasi ay noqdaan kuwii dalka iyo dadka iyo diintaba anfaca.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply