Madaxweynaha oo soo Gunaanaday Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE

0
844

Boorama (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo xidhay shirkii lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo shalay ku soo gebo geboobay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Madaxweyne Muuse waxaa uu caddeeyay in uu qaranku leeyahay waaxyo kala duwan oo mid waliba shaqadeeda u nadaxbannaan tahay, isaga oo carrabka ku adkeeyay madaxbannaanida garsoorka isla markaana ballan qaaday in ay xukuumadduna u hoggaansamayso go’aamada ka soo baxa Maxkamadaha dalka .

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida ay xisbigu ula xisaabtameen xukuumaddooda isagoo xubnaha golaha dhexe ku bogaadiyey sida karaamada leh ee ay afkaartooda iyo aragtiyahoodaba ugaga qaybqaateen shirka, waxaanu caddeeyey inuu hoggaamiye ahaan mar walba diyaar u yahay inuu fuliyo oo meelmariyo ballamihii xisbigu bulshada u sheegay xilliyadii doorashooyinka.

Waxaanu intaa raaciyay inuu si kal iyo laab ah u aqbalay dhammaanba soo jeedimihii iyo talooyinka waxtarka lahaa ee ay soo jeediyeen xubnaha golaha dhexe ee shirka isugu yimi, isla markaana uu hirgelin doono wixii suuragal ah.

Waxaanu iftiimiyay Madaxweyne Muuse in ay xisbiga iyo bulshadaba kaga imanayaan laba is diidan oo u baahan in la is waafajiyo, waxaanu yidhi Madaxweyne Muuse. “Canaantii ugu kululayd ee aad noo soo jeediseen waxay ahayd xisbi xukuumiya baynu nahaye halloo dulqaato mucaaridka, halloo dulqaato dadka fikradahooda cabbira, halloo dulqaato saxaafadda, laakiin horto laba dhengadood baa nala dhacdaan haddaad xisbiga iyo dadweynahaba tihiin, dadka ilaaliya oo xorriyatul-qawlka ha cabudhinina oo mucaaridka halla hadlin, haddana waxa taalla nabadgelyada ilaaliya oo wixii xun dadka ka qabta, laakiin haddii mucaaridkii ama abwaankii ama saxafigii qaldamo maxaynnu yeelnaa illayn labadii goor ba waad na garaacaysaane.”

Waxaa kale oo uu ka hadlay Madaxweynuhu madaxbannaanida garsoorka iyo siday xukuumad ahaan ugu hoggaansan yihiin ee ay u ixtiraamayaan go’aamada ka soo baxa maxkamadaha dalka, waxaanu yidhi. “Waxaan ku faraxsanahay in garsoorka Somaliland ay sii daayaan wiil dhallinyaro ah oo gabay tiriyey oo xukuumadda iyo Booliska maagay inay yidhaahdeen idinka uun baa baqdaye wiilku wax weyn muu geysane waa xor, waanu qaadanay oo garsoorku waa xor waanan ku kalsoonahay, qofkana ma xidhnee haddii dadka xeerka ilaaliyaa arkaan inuu qaldamay waa la qabtaa oo waa eedaysane, maxkamaddaana noo kala xaq goysa, laakiin canaanta badan iyo cidna yaan lala hadlintu hadhowna waxa taalla dalku waa fowdo’e maxaad wax uga qaban weydeen. Waxannu ku dedaalaynaa dulqaadka, waxaanan qaadanaynaa sida aad na farteen, dadweynahana waxaanu ku waaninaynaa ilaalinta shuruucda.”

Waxaa kale oo uu ka hadlay Madaxweynaha qaranku mashaariicda Kulmiye bulshada u ballan qaaday iyo siday u fuliyeen intii badanayd isla markaana ay diyaarka ugu yihiin inta hadhayna in ay qabtaan kuna daraan kuwo dheeraad ah.

“Xukuumad ahaan annaga oo ka duulayna tiirarkii ku jirey ballan-qaadyadii xisbiga KULMIYE, waxannu qorshaynay 43-mashruuc oo wax lagaga qabanayo toddobadii tiir ee uu xisbiga KULMIYE ballan qaaday, waxana aannu mudnaanta koowaad siinnay, tiirarka ay kamid yihiin Nabadgelyada iyo amniga, dhaqaalaha, waxannu xoogga saarnay waxaa ka midd ah kaabayaasha iyo horumarinta nolosha dadweynaha sida caafimaadka, waxbarashada, sidii dhallinyarada shaqo loogu heli lahaa iyo sidii dalka meelaha biyuhu ku yar yihiin sidii biyo loogu heli lahaa, qaar kalena wax baannu ka taataabannay, waxana aannu u kala qaadannay sida ay u kala mudan yihiin.” ayuu yidhi madaxweyne madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply