Madaxweyne Muuse oo ka Garaabay Dhaliilo loo Jeediyay Xukuumaddiisa

0
896

Boorama (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha golaha dhexe ee xisbigaasi uga jawaabay su’aalo ku qotoma isla xisaabtan ay kula xisaabtamayaan xukuumadda uu hoggaamiyo ee xisbiga KULMIYE ka soo baxday.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa mid mid uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen xubnaha golaha dhexe oo salka ku haya sida ay xukuumaddu u fulisay waajibaadkii ka saarnaa ballamihii uu xisbiga KULMIYE bulshada u qaaday, waqtiyadii doorashooyinka, iyaga oo sidoo kalena madaxweynaha la wadaagay qaar kamid ah tabashooyinka bulshada ee u baahan in wax laga qabto.

Madaxweynaha, ayaa si kal-furnaan ah uga jawaabay su’aalaha ay xubnaha golaha dhexe weydiiyeen, waxaana uu garowshiiyo ka bixiyey wixii tabasho ah ee xaqiiqda ku fadhida ee waqtigan jira, waxaana uu ballan qaaday inuu mar walba diyaar u yahay isla-xisaabtan iyo wax isweydiin la xidhiidha sidii looga midho dhalin lahaa waxyaabihii uu xisbigu ummadda u ballan qaaday.

Kulanka isla xisaabtanka iyo hawaalle-warranka isugu jira ee madaxweynaha iyo golaha dhexe dhexmaray oo qabsoomay isla intii uu shirka golaha dhexe socday, isla markaana ajandaha shirka qayb ka ahaa, ayaa ku dhammaaday jawi deggen, waxana uu madaxweynuhu si waafi ah uga jawaabay dhammaanba wixii su’aalo ahaa ee halkaas lagu weydiiyey.

Madaxweynaha Somaliland oo ka jawaabayay cabasho la xidhiidha magacaabista xilalka xisbiga KULMIYE dhexdiisa oo ay soo jeedisay Marwo Nadiifo oo ka tirsan xubnaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Sool, ayaa yidhi “Marka xisbiga eed loo soo jeedinaayo, hawlaha xisbiga Kulmiye waxay inoogu qaybsamaan laba qaybood, oo ah hawlo siyaasi ah iyo doorasho ah, haddii ay tahay doorasho waa hawl kale oo qofkii leeyahay aniga oo xisbiga intaas oo dhan u soo halgamay oo tacab badan u soo qabtay ayaa la doortay qof aan xisbiga ahayn oo gardaro igu dhacday, waa hawl miisaankeeda leh, arrintaasi waa mid maamul, waa magacaabis, hoggaankii xisbiga iyo xoghayaha ayay dul-taagan tahay, dib baa loo baadhayaa oo waa la hubiniyaa in ay qaldanayd iyo in kale, xaqna waad u leedahay.”

Madaxweynaha Somaliland oo ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa in aanu il-kalgacal ku eegin haweenkii xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer, isla markaana aanu wax xil ah u magacaabin haweenkii xisbigaase ee gobolka Togdheer ee dedaalka iyo tacabka badan gashaday xisbiga waxa uu yidhi “Qiimaha haweenka Togdheer waxaa inoo sheegay Abwaan Hadraawi, ta xilka wixii aad qabateen iyo dagaalkii aad gasheen intaba xisbigu waa idiin ogyahay waanan idiinka mahadnaqayaa. Ta xilkana xaqbaad u leedihiin, Dhaliishaa waxaa leh aniga iyo ragga xisbiga iyo xukuumadda ku jira ee gobolka Togdheer.”

“Marwo Sitiin aad iyo aad baad u mahadsantahay, halgankaagi dheeraana waa la ogyahay, kollay dad badan baa iga cawda oo yidhaahda handaraab baad isku xidhay oo laguma helo, ta xildhibaannimadana waynu halgamayaa, doorashadu way dhib badan tahay oo ama waa la soo baxaa ama lama soo baxee, laakiin waanu kula halgamaynaa sababta oo ah waxaad tahay ruug caddaagii hore ee xisbgiga KULMIYE” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka jawaabayay codsi ay u soo jeedisay Marwo Sitiin oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply