Wasiir Maxamed Kaahin oo ku Baaqay in Cadawga Ugu Weyn ee Somaliland Meel Looga Soo Wada Jeesto

0
1115

Boorama (Dawan):- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay in xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ay awood u leeyihiin soo xulista musharixiinta u tartami doona golaha wakiiladda.

Sidoo kale waxa uu wasiirku faray xubnaha golaha dhexe ee xisbigu inay ka qayb qaataan gobol kasta oo ay joogaan nabadeynta iyo ammaanka dalka.

Waxaanu intaa raaciyay in loo baahan yahay in xisbiga iyo qarankaba in laga illaaliyo hal qodob oo uu sheegay in uu yahay cadawga ugu weyn ee Somaliland ee dumin kara qarannimada.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Doorashadii golaha wakiiladda Somaliland ayaa soo socota, golaha dhexe in uu xisbiga u diyaariyo oo isaguna u diyaar garoobo qaabka aynu doorashaddaasi uga qaybgaleyno, dadka baarlamaanka loo soo sharaxayo inkasta oo xubinimadda xisbiga KULMIYE ee soo sharaxaya, lafdhabartii xisbigu waa golaha dhexe ee halkan fadhiya, waa inay qayb ka yihiin cidda soo xuleysa xildhibaanada golaha wakiiladda loo soo sharaxayo, oo aaney dhicin in xisbiga laga soo sharaxo dad ay maanta ugu horeyso”

Wasiir Kaahin sidoo kale waxaa uu faray xubnaha loo doortay golaha dhexe ee xisbiga inay xil iska saaran gobolkasta oo ay uga qayb qaadan lahaayeen daminta colaadaha waxaanu yidhi “In xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, arrimaha nabadeynta iyo nabadeynta dalka, ragan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, haday reer Awdal yihiin waa inay kan Awdal ka socda ka qayb qaataan, haday reer Maroodijeex yihiin, haday reer Sool yihiin, haday reer Sanaag yihiin, haday reer Xaysimo yihiin, gobolkasta oo ay yihiin inay hawlaha nabadeynta ee ka socda ay ka qayb qaataan”

Wasiir kaahin oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay in loo baahan yahay in xisbiga KULMIYE dhexdiisa iyo qarankaba in laga illaaloyo cadawga ugu weyn ee ay Somaliland leedahay ee waxyeellayn kara ama dumin kara qarannida,taasoo uu ku dardaaray guud ahaan xisbiga KULMIYE in ay ku baraarugsanaadaan sidii cadawgaas qaranka looga difaaci lahaa,waxaanu yidhi.“Maxaynu xisbigan ka ilaalineynaa? Xisbigana ka ilaalineynaa? Dallka aynu xisbil xaakimka u nahayna ka ilaalineynaa? Wad qudha ayuu leeyahay cudur kaliya oo dilaa ah ayuu leeyahay, wax qudha oo qarannimadda burburiya ayuu leeyahay,intaasi oo dhammani waa qabyaaladd, oo inagu yaynaan noqonin cida korineysa qabyaaladda, hadii inteenani qabiilkiisa iyo golihiisa uu u hadlo qaranimadiisu toosimeyso, markaa waa inaynu u wada hadalna, bulshada aynu wax u qaybineyno waa in si cadaaladda ah aynu wax ugu qaybinaa, baahida marka aynu eegeyno waa inaynu ku xisaabtanaa meesha baahidu taallo, hadii maanta baahidu meel taallo oo la yidhaaho afar iyo shan iyo lix ayaa laga fuliyay macnuhu maaha qabyaalad ayaa wax looga fuliyay ee waa baahida ayaa looga fuliyay, qabyaaladda waa la soo lisay, xeryaheedii geeli ayaa la soo ooday ninka Afka soomaaliga sheegta, 60-kii-sano-70-kii-sano-80-sano ee u danbeeyay ayuu xeryaha qabyaaladda fadhiyay, jano qabyaaladeed meela ka soo bixiweyday, markaa waxaa aynu u baahanahay inaynu midnimadda xisbiga Illaalino, midnimadda qaranimaddana ilaalino barnaamijyadda halkan ka socdana isku soo urrurino golaha dhexena waxaa aynu u baahanahay qaraarkaasi soo baxaya golaha dhexe ka hadlayaa, baarlamaanku ka hadlayaa, golayaasha deegaanku ka hadlayaa xubnaheena golaha dhexe ayuu ka hadlayaa laga bilaabo gudoomiyaha xisbiga, laga bilaabo gudoomiyaha gobolka, qaadhamadii barnaamijyaddii, ayaynu u baahanahay in aynu urrursanaano waxyaabaha golaha dhexe looga baahanyahana waxaa ay tahay gobolka uu golaha dhexe ahaan kaga yimid ayuu kaga diiwaangashanaanayaa”Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply