Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Tababar u soo Xidhay Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xeebaha

0
1160

Hargeysa Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somalialnd, Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha guud ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, ayaa tababar u soo xidhay saraakiil ka tirsan ciidanka Xeebaha Somalilland .

Munaasibad kooban oo lagu qabtay taliska ciidanka ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyey Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, waxana uu yidhi “Mandaqadeena waxa culays aad ugu haya dadka argagaxisada ah, waxa ka socda hubka suuqa madow ee baddaha ka imanaaya ee meelaha aan inaga ahayn u socda, markaa waxa aynu u baahanahay in aynu culays saarno,  laguna ilaaliyo, laguna dabaqo aqoontii iyo cilmigii mudada idiin socday ee aad barateen.”

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in Xukuumad ahaan ay kordhinayaan tirada iyo tayada ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, waxaanu yidhi “Ciidanka waynu tayayn doonaa, tiradiisana waynu kordhin doonaa, laakiin mar walba tirada waxa ka horraysa tayada, marka tayo jirto ayaana hawl la qaban karaa.”

Taliyaha guud ee ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Sarreeyo guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa sharraxaad ka bixiyey nuxurka tababarka ay qaateen saraakiisha ka tirsan ciidanka baddu, waxaana uu yidhi “Barnaamijka Ciidankani dhammaysteen, waa nidaamka aasaaska iyo xoggaha isgaadhsiinta, Ciidanka Ilaalada xeebuhuna way kobcayaan.”

Maaha tababarkii ugu horreeyey la siiyey ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland balse waxa jira tababaro badan oo ay qayb ka yihiin Midowga Yurub oo kor loogu qaadayo tayada iyo xirfada ciidanka u xilsaaran sugida iyo ilaalinta ammaanka xeebaha Somaliland .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply