Gudida Qandaraasyada Qaranka oo Shaaciyay Qandaraas Lagu Guulaystay

0
559

Hargaysa (Dawan):- Gudida Qandarasyada Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyay qandaraas lagu guulaystay isla markaana ku dhawaaqay mid kale oo loo tartamayo.

Guddida  Qandaraasyada Qaranka  ayaa soo bandhigay  shirkadda ku guulaysatay Qandaraaska  Mashruuca qaboojiyeyaasha  magaalada Berbera ee ay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland ka  hirgalinayso magaaladaas.

Xubnaha   gudida Qandaraasyada oo shalay si wada jira shir jaraaid ugu qabtay xarunta gudida Qandaraasyada ee  magaalada  Hargaysa ayaa waxa ay baahiyeen shirkadda ku guulaysatay qandaraaska Qaboojiyaha kalluunta magaalada   Berbera waxaanay baahiyeen  Qandaraaska hubinta sannadlaha ah  ee gaadiidka dalka.

Guddoomiyaha  Gudida  Qandaraasyada Qaranka   Nuux Maxamed Xuseen ayaa   sheegay shirkadda ku guulaysatay qandaraaska qaboojiyaha Kalluunka   laga samaynayo magaalada  Berbera.waxaanu  yidhi“Qandaraaskan waxa ku tartamay laba shirkadood oo kala ah Sam mandhikaal iyo Dhoollayare, waxaana ku guulaysatay shirkadda    Dhoolayare oo ku guulaystay qandaraaskaa Qaboojiyaha laga hirgalinayo magaalada Berbera,waxaanu kaga helay wuu ka qiimo jabnaaday tallaagadihii Dhoollayare dalka ayay yaalaan halka uu Sam mindhikaal uu sheegay in uu dibedda kasoo iibinayo labadaa qodobba waa lagaga helay,”.

Agaasimaha  Gudida  Qandaraasyada  Qaranka   Maxamed Axmed Jabarti oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa  sheegay in ay baahinyaan qandaraaska hubinta sannadlaha ah ee gaadiidka Somaliland.waxaanu  yidhi“Gudida  Qandaraasyada qaranku waxa uu baahinayaa hubinta sannadlaha ah ee gaadiidka dalka  Somaliland   gobolka maroodijeex laba geerash gobolka   togdheer hal geerash  gobolka   awdal   Boorama hal geerash sool hal geerash  Sanaag hal geerash Saaxil hal geerash,qandaraaskaa aanu maanta (shalay) baahinayno wuu furan yahay  waxaanu xidhmayaa  31 bisha saddexaad,”.

Waxaa kale isna halkaa ka hadlay     Agaasimaha guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka   Cumar Sayid,waxaanu sheegay in ay daraasad ay sameeyeen ay ku ogaadeen waxyaabaha ugu badan ee sababa shilalka gaadiidka,waxaanu yidhi “Daraasad ayaanu samaynay ku sahabsan waxan shilalka keena waxaana noo soo baxday in saddex shay keenaan shilalka baabuurta Somaliland dirawal xumo waddo xumo iyo gaadiid xumo gaadhi aanu in dhihiisu shidmaynin  sidee buu u mari karaa waddada iyo gaadhiga biriigu aanu   shaqaynayn.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply