Xukuumadda oo Deeq Xoolo ah Gaadhsiisay Deegaannada Lughaya

0
533

Hargeysa (Dawan)- Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku hawlanayd Barnaamijka dib loogu xoolaynayo dadkii ku tabaaloobay Duufaantii Sagar ee ku dhufatay Xeebaha Galbeedka Somaliland, ayaa gaadhsiisay laba kun iyo afar boqol (2400) oo neef, deegaanada Gargaara Bari, Osali, Garaaca iyo Biyo-Kulul oo hoos yimaada Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal.

Guddoomiyaha Hay’ada u diyaar garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyay barnaamijkan dib u xoolaynta ah ee ay ka bilaabeen deegaanada Galbeedka Somaliland, isaga oo tilmaamay in barnaamijkan dib u xoolaynta ah ay maalgelisay, isla markaana ay kharashkiisa bixisay Xukuumada Jamhuuriyadda Somalialnd.

Guddoomiyaha Hay’ada u diyaar garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu maanta (Shalay) qaybinay xoolo tiro badan oo gaadhaya 2400 oo neef, dhawr meelood baannu wax ka qaybinay, kuwaasi oo ay ka mid tahay Gargaara Beri, oo anu sagaal boqol oo neef ku qaybinay, sidoo kale tuulada Osali iyadana 450 neef ayaau u qaybinay, haddana Biyo-kulul ayaanu u qaybinaynaa lix boqol (600) oo neef, waxaan rajaynayaa in ILLAAHAY u barakeeyo xukuumadda soo bixisayna ay u soo duceeyaan.’

Geesta kalena waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Lughaya waxana uu ka waramay Deeqdan Xoolaha ah ee ay Xukuumadu Somaliland ugu talo gashay in dib u xoolayn loogu sameeyo dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay Duufaantii Sagar.

Sidoo kalena waxa iyana halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan deegaanada Gargaara Bari, Osali, Garaaca iyo Biyo-Kulul, waxaanay xukuumada Jamhuuriyada Somaliland uga mahad celiyeen deeqdan xoolaha ah ee ay soo gaadhsiiyeen dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay Duufaantii Sagar.

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply