“Ganacsatada Faransiisku Waa u Diyaar Maalgashiga Somaliland” Mr Frederic Ronal

0
644

Hargeysa (Dawan)- Danjiraha Somalialnd ee dalka Faransiiska Cali Ismaaciil Xassan ayaa sagootiyay wefdi Ganacsato Faransiis ah, oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa dalka, waxaanu sheegay in booqashada weftitgani ay ka dhigi doonto Somaliland iyo khayraadkeeda madal lagu soo hirto, imaatinkoodana ay baraarujisay dedaaladii xukuumada Somaliland u gashay ka mid noqoshada Ururka Rugaha Ganacsiga Afrika iyo Faransiiska.

“Waxa baraarujisay, kuna abuurtay inay dalka yimaadaan wefdigan ganacsatada Faransiiska iyo kuwo caalamka ka imanaya-ba shirweyne rugaha ganacsiga wadamadda Af Faransiiska ku hadla oo anniga iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibedda, Mr Cabdinaasir kaga qeybgalnay dalka Senegal, ururkan oo 88 dal oo caalamka ah ku bahoobeen. Waxa farxad u noqotay bulshada Somaliland, Xukuumada iyo Anniga in markii u horreysay aynu dalbanay ka mid noqoshada Ururka, la inoo ogolaaday”

Danjire Cali oo faahfaahinayey jawiga wefdiga Ganacsatada Faransiisku kala kulmeen Somaliland ayaa yidhi, “Waxa ila socday wefdi ballaadhan, oo abuurtay in muddadii ay joogeen dalka, laga dareemo dhamaan caalamka, taas oo ku timi xubin wefdiga ku jiray oo madax u ah hay’ad isku xidha Qaarada Afrika iyo Caalamku macluumaadka booqashadooda iyo waxay ku arkeen dalka gudbinayey, sida iyaguba waraysigooda ugu qirayaan fursadaha maalgashi ee dalka ka jira. Noqoshada wefdiga waxay Somaliland iyo Khayraadkeeda ka dhigi doontaa madal lagu soo hirto, Idamka Alle.”

Dhinaca kale, Mr. Frederic Ronal ayaa shaaca ka qaaday in dalka Somaliland leeyahay fursado badan oo maalgashi, oo ay ganacsatada iyo shirkadaha Faransiisku xiisaynayaan ka faa’iidaysigeeda.

Mr. Frederic Ronal, Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Marseille, oo Wargeyska Dawan iyo Telefishanka Qaranka ugu warramay madaarka Cigaal shalay ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin ganacsi dhexmara Somaliland, waxaana ka mid ahaa hadalkiisii, “Socdaalka Somaliland waxuu hadafkayagu ahaa inaan soo aragno fursadaha maalgashi ee jira. Madax kala duwan waanu kulanay, Dhab ahaan, fursado badan oo shirkadaha iyo ganacsatada faransiisku ka faa’iidi karaan ayaad leedahiin, hadday tahay maalgashiga dhinaca kalluumaysiga, Tamarta iyo dalxiiska.”

Mr. Ronal oo faahfaahin ka bixinayey fursadaha Somaliland ka helayso ku biiritaanka Rugaha ganacsiga Afrika iyo Faransiiska, ayaa yidhi, “Haa, waxay ahayd ujeedada aan u nimi. Waxa kulmay madaxda Rugta ganacsiga Somaliland iyo dhigooda Rugta ganacsiga Marseille iyo madax Rugta ganacsiga Afrika iyo Faransiiska, si ay xidhiidh wada shaqeyneed u yeeshaan. Waxaan la shaqeynaa dhamaan rugaha ganacsiga Afrika, oo aanu ku xidhayno ta Somaliland. Xaqiiq luuqada Faransiiska kuma hadashaan, balse waxaan leedihiin dano ganacsi oo muuqda, kuna soo xidhno Afrika, si dhinacyadu uga faa’iidaan fursadaha jira, kaalina way idiinka bannaan tahay in aad ka ciyaartaan.”

Mr. Ronal oo la waydiiyay wada shaqeyn u dhexeysa Xafiiska Somaliland ee Faransiiska, ganacsatada iyo shirkadahooda ayaa yidhi, “Waa halkaanu ku baranay xafiiskiisa Somaliland ee Faransiiska Fursadaha dalkiina. Ballanqaadkii Safiir Cali ee fursadaha maalgashiga Somaliland waanu aragnay, oo way rumoobeen. Waxaan aaminsanahay in Somaliland doonayso la macaamilka iyo is-dhaafsiga danno laba dhinac ganacsatada iyo shirkadaha Faransiiska, si kooban, annaguna diyaar ayaan u nahay mustaqbalka dhow.”

Wefdiga ganascatada Faransiiska ee safiir Cali Xuseen hogaaminayey ayey ka mid ahaayeen Mr Nicolas Pages, Denis Deschamps, Jean-Francois BESCONDO, AfricaLink. \

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply