Madax-dhaqameed Ka Soo Jeeda Sanaag Bari oo Hargaysa Lagu soo Dhaweeyay

0
722

Hargeysa (Dawan): Xubno ka mida golaha wasiirrada Somaliland ayaa shalay si heer sare ah u soo dhaweeyay xubno madax-dhaqameed ah oo ka soo kicitimay degaamadda Badhan ee bariga gobolka Sanaag, kuwaasi oo uu hoggaaminayo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi Cartan.

Waxaana ka mid ahaa masuuliyiinta weftigani soo dhaweeyay wasiirradda wasaaradda warfaafinta, arrimaha gudaha, gaadiidka iyo horumarinta jidadka, cadaaladda, badhasaabka gobolka Maroodijeex iyo gudoomiye ku xigeenka golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali iyo madax dhaqameed kale.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa erayo soo dhawayn ah ka jeediyay munaasibaddii lagu qaabilay kadib markii ay soo gaadheen bariga magaalada Hargaysa.

Waxaanu tilmaamay in aanay madax dhaqameedkani ahayn dad meel fog ka yimid, balse ay yihiin kuwo dalkoodii yimid. Waxaanu yidhi “Waa Garraadadii, salaadiintii iyo isimamadii Sanaag bari. Guud ahaanba si wanaagsan oo qurux badan ayaa loo soo dhaweeyay, cidkasta oo soo dhawaysay na waan u mahad celinayaa. Wadankiini ayaad timaadeen ma aha niman meel fog ka yimid, waanu soo dhaweynaynaa”.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa tilmaamay in imaanshiyahoodu uu faraxgeliyay dhammaan bulshaweynta qaranka Somaliland. Waxaanu yidhi “Aad iyo aad iyo aad ayaanu idinku soo dhaweynaynaa halkan dalkiini ayaad timaadeen, dadka aad ayaad u faraxgeliseen, dalkiini iyo dadkiini ayaad la joogtaan”.

Sidoo kale Cabdirisaaq Cali Cabdi, oo ah wasiirka cadaaladda Somaliland ayaa isna ka hadlay madashii oday dhaqameedkan goboladda Sanaag iyo Badhan ka soo kicitimay, waxaanu meesha ka saaray aragtidii ahayd bulshada qayb ayaa maqan.

“Weftigu waxay ka yimaadeen laba gobol, waa gobolka Sanaag oo qayb ka mid ahi Ceerigaabo ka soo kicitintay, iyo gobolka Badhan oo ilaa Ceelaayo, Dhahar, Xabaal-shaawacleh, Laasqoray illaa Qaaqul.

Waana dhulka xadku maro halka ay ka soo kicitimeen, suldaankii guud ee beesha Dubeys suldaan Maxamed suldaan Cabdillaahi Cartan ayaa weftiga hogaaminaya, oo maanta (shalay) halkan ku sugan.

Taasina waxay cadeynaysaa oo ay marag iyo markhaati u tahay in bulshaweynta Somaliland meel ay jooganba ay gacmaha is heystaan, min bari ilaa galbeed, hadii la odhan jiray qolaa maqan iyo kan waa ay dhammaatay, salaadiinrtii Isimadii, rag miisaanleh ayaa maanta halkan maraya” ayuu yidhi wasiirka cadaaladda Somaliland.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Anaga qoladayada Badhan ka timid waxaa ay soo dhaweyntu nooga soo bilaabantay magaalada Yube, oo ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland nagu soo dhaweeyeen, Ceerigaabo ayaa noo xigtay, hadda inta kaleba Isimada kale ayaanu ka wada mid aheyn, Insha Allah waxaan rajeynaya nabada wanaaga iyo badhaadhahaasi xoojintiisa in aanu anaguna u socono”.

Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, ayaa isna goobtaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Waxaa sharaf weyn noo ah runtii in aanu maanta halkan ku soo dhaweyno, salaadiinta, boqoradda, jiif caaqiladda, madax dhaqameedka gobolka Sanaag, gaar ahaan Sanaag bari, Badhan, Hadaaftimo iyo Dhahar. Ku soo dhawaada gobolkii Maroodijeex aniga oo ku hadlaya afka gobolka”.

Dawanews Hargeysa office

Leave a Reply