WEEDHA WARGEYSKA Somaaliya + Puntland Hadday Awood Hayaan Cagtay Inna Marin Lahaayeen

0
639

Muddo ku dhow soddon sannadood ayey Somaaliya sifo sharci darro ah dacallada innaga laalaadaan, iyadoo Madaxda heer Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland iska illoobeen dhammaan hantidii ka dhaxeysay. Sidoo kale aanay weli weydiisan magdhawga magaalooyinkii la burburiyey, hantidii dhextiil ee la bililiqeystay iyo tobanaankii kun ee qof ee ku noolaa gudaha Somaliland ee la xasuuqay ee xabaalo wadareedkoodii kuwii hore loo helay maahee, qaar cusub oo hor-leh la helo, bay haddana Madaxda reer Somaliland maanta ugu taag la’yihiin Somaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland, (Waalaallayaal ammaan ma kala helnaa?)

Dhawr iyo tobankii sanno ee u dembeeyey faraq ka laalaadkii way soo dhaafeen Madaxda Somaaliya, iyagoo u adeegsanaya Maamul-goboleedkooda Puntland siday xasilooni darro iyo fadqalallooyin reereysan uga dhex sameyn lahayd Jamhuuriyadda Somaliland, si aanay dunida uga helin aqoonsi ama garawshiiyo. Waxa taladan si aad ah u xoojiya, una maalgeliyey Madaxweyne Farmaajo oo tan iyo intii uu xilkaa qabtay aan wax kale qaban oon ka ahayn inuu u guntaday si kasta oo uu ku burburin karo wada-jirka shacbiga Somaliland.

Hawshaa si uu u fuliyo, waxa uu Farmaajo u sameeyey dhaqaale oo hubeeyey Maleeshiyaad reer Puntland ah, si dagaallo arbusha oo joogto ah ugu hayaan gudaha xuduudaha Somaliland. Madaxda Puntland laftoodu waxay u arkeen taageerada Madaxweyne Farmaajo, tallaabo badhi-taageero u noqoneysa dhul sheegashadooda qaawan ee beenta ah ee ay ku sheeganayaan gobollo ka mida dhulka Jamhuuriyadda Somaliland ee caalamiyan loo aqoonsan yahay in dhulkaasi ka mid yahay dhul ahaan xuduudaha Somaliland, sidoo kalena ku diiwaangashan yahay khariidadaha taariikheed ee dunida, isla markaana ku keydsan xusuus-reebyada Ururrada Caalamiga sida kan Qaramada Midoobay.

Aragtidaa oo ay Madaxda Puntland shacbigooda dhegaha ugu shubeen si ay u dagaal geliyaan, uguna mideeyaan shacbigooda, ayaa waxay bilaabeen Maleeshiyooyinka la soo hubeeyey inay xasilooni darro ka abuuraan meelo ka mida Gobollada bariga Somaliland, iyaga oo kolba dagaal dhuumaaleysi oo gaadmo ah ku soo qaada fadhiisimada Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland, balse mar kasta si xun loogu jabiyo oo markay yaacaana aanay baacsan Ciidammada Qaranku.

Xilliyo fara-badan oo si xoog leh loo soo abaabulay Maleeshiyaad aad loo soo hubeeyey, tiro ahaana aad u badnaa oo laga soo kala ururriyey gobollada Somaaliya qaarkood, ayaa lagu ladhay kuwii Maamul-goboleedka Puntland, iyadoo ujeeddada qudha ee Farmaajo iyo Madaxda Puntland ahayd mid isku mid ah oo ahayd inay gacanta kaga dhigaan Somaliland qeybo ka mida dhulkooda, siiba dhinaca gobollada bari oo weliba hadday u suurtagasho ay ugu yaraan illaa Burco soo taabtaan.

Qorshayaashaa waxa dhammaantood Allah ha dhawree fashiliyey oo afka dhulka u daray Ciidammadeena oo maanta ah kuwa gaamuray oo aanay u babac dhigi Karin ciidamo ururis ah iyo wax la mida toona. Hase ahaatee waxa qorshe degdegga ah iyo dib u eegis innooga baahan haatan sidaan wax uga beddeli lahayn qaabka tudhaalaha leh ee waqtigan iskaga caabbiyaan Ciidammadeenu weerarrada cadowga ee sida xidhiidhka innoogu soo qaadaan, balse haddana mar kastoo ciidammadeenu jebiyaan weerarkii cadowga, haddana aan marnaba looga daba tegin cadowga illaa iyo dhulka uu mar walba kaga soo duulo dhulkeena.

Waxa kale oo aan loo dulqaadan Karin maanta in Somaaliya dhulkeeda [Puntland] saldhig uga sameyso Jabhad ay hubeeyeen, dhaqaalena uu siiyey Farmaajo, si ay halkaa ugaga soo duusho Somaliland.

Mar haddii aanu muran ka taagneyn, in Somaaliya + Puntland hadday maanta hayaan awood ay innagu muquuniyaan in aanay cagta inoo dhigeen xataa hal maalin, yaanay ku seexan oo ku soo toosin Farmaajo iyo Madaxda maamul-goboleedkiisa Puntland in Madaxda Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland mar walba xakamaha kaga hayn doonaan Ciidammadooda, hana ku talo galeen in Garoowe iyo Boosaaso gudahooda laysla soo geli doono, hadday cagaha dhigi waayaan oo joojin waayaan weerarrada maleeshiyaadkoodu ku hayaan gudaha Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo hadday la tahay ama caqligiisu siiyey, in Somaliland uu arbush dagaal iyo xasilooni darro ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland illaa iyo inta uu ka helayo Ciidamo xoog ku muquuniya kuwa Somaliland. Haddaba waxaanu u sheegaynaa hadday la garan waayaan Farmaajo iyo kuwan uu dabada kasoo riixayaa, wanaagga iyo walaaltinimada ka jirta dhinaca Somaliland ee ah ka hortagga dhiig Somaaliyeed oo dembe oo daata, ha ogaadeen in aanay Madaxda Somaliland dhinacooda oo kaliya ka sii soconeyn tudhaalaha joogtada ee sannadaha badan ka soo wadeen dhinacooda, iyagoo ka filayey dhinaca kale, bal in ay wax ku qaataan tudhaalahaas, isla markaana mar uun gartaan sida mar kasta oo ay soo gardarroodaan oo la jebiyo aan haddana looga daba tegin, iyadoo Somaliland awood Ciidan u leh inay siiyaan casharro ay ku bartaan, in dib dembe aanay ugu soo saqajaamin xuduudaha dhulka Somaliland. Waxa hore loo yidhi [Talo waa mar aad garan weydo iyo mar aad weydo cid wax kuu sheegta,] markaa waxaanu leenahay imikaba idiin sheegnay ee hadhaw yaan bulshada caalamka loo baaqin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply