Musharixiin u Taagan Doorashada Baarlamaanka Finland oo Taageeray Aqoonsiga Somaliland

0
1069

Hargeysa(Dawan):- Xildibaano  u taaran  doorashada Baarlamaanka Finland oo qabsoomi doonta maalinta Axadda ee  soo socota,ayaa caddeeyay in ay taageersan yihiin qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland isla markaana ay si dhaw ula shaqayn doonaan xafiiska Somaliland ee dalka Finland una istaagi doonaan sidii ay Somaliland Aqoonsi uga heli lahayd beesha caalamka.

Danjiraha Somaliland u joogta dalka Finland Danjire Saamiya Cumar Xaaji Muuse,ayaa shalay xafiiska Somaliland ee Finland ku soo dhawaysay laba musharax oo u tartamaya doorashada baarlamaanka dalkaas isla markaana faah faahin  ka siisay dawladda Somaliland iyo sida ay u tahay dal dimuquraadi ah oo qabsaday doorashooyin xor ah oo qof iyo cod ah oo goleyaal kala duwan iyo madaxtooyo  oo ka qabsoomay,waxaanay xildhibaanada ay xafiiskeeda ku qaabishay ay waydiisay haddii ay soo baxaan waxa uga qorshaysan qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland.

Labada musharax ee ay Danjire Saamiya xafiiskeeda ku qaabishay oo kala ahaa: Xidhibaan Musharax Suldaan Said Ahmed oo ka tirsan xisbiga Väsemmistö iyo Xildhibaan Musharax Tuomas Finne oo ka tirsan xisbiga SDP,ayaa labaduba si wayn u caddeeyay in ay taageerayaan madaxbannaanida Somaliland isla markaana si dhaw ula shaqayn doonaan taa bedelkeedana waxay taageero waydiisteen jaaliyadda Somaliland ee dalka Finland in ay u codeeyaan.

Danjire Saamiya oo kulanka labada musharax ay  ku qaabishay xafiiska Somaliland ee Finland ka dib waraysi kooban siisay wargayska Dawan,ayaa tidhi. “Waxaa sharaf weyn noo ahayed xalay(habeen hore) inaan ku martiqaadno xafiiska Somaliland Liasion Office in Finland Xildhibaanada u sharraxan Golaha Barlamaanka ee Finland o kala ah: Xidhibaan Musharax Suldaan Said Ahmed oo ka tirsan xisbiga Väsemmistö iyo Xildhibaan Musharax Tuomas Finne oo ka tirsan xisbiga SDP Waxaanan leenahay labada Musharax Guul.

Waxaanan waydiinay maxay ka qaban doonaan qadiyada ictiraafka Somaliland hadii ay ku guulaystaan kuraasta Baarlamaanka ee ay u tartamayaan, waxaanay ahayed jawaabtoodu inay ka shaqayen doonaan qadiyada icitiraafka oo si dhaw aan uga wada shaqeyn doono qadiyadda ictiraaf raadinta  Somaliland , waxaanan u ballanqaadnay inaan codka siin doono.”

Danjire Saamiya oo ka hadlaysay  xilliga ay doorashadu dhacayso iyo xubin ay ka tahay gudida doorashada baarlanmaanka Finland iyo Midawga Yurub,ayaa tidhi “Waxay dhacaysaa doorashadu maalinta axadda ee soo socota 14 April, aniguna waxaan ahay xubin ka tirsan  gudida doorashooyinka barlamaanka Finland iyo Europe ,waxaanan ahay qofkii ugu horreeyay ee Somaliland ka soo jeeda ama dal muslim ahba  ee loo doortay inay  xubin ka noqoto  gudida komishinka ee doorashada barlamaanka Finland iyo barlamaanka Europe. Taasoo taariikhda u gali doonto Somaliland.

Image may contain: 1 person

Image may contain: 5 people, including Samia Muse, people smiling

Leave a Reply